4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
KENYA: Weerarro kala duwan ayaan ku Laynay Qaar ka mid ah Xoogagga Al-shabaab ee Somalia


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Ciidammada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dileen Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, kaddib weerar fashilmay oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab kusoo Qaadeen ciidamadooda ku sugan Somalia.

Afhayeenka Millateriga Dalka Kenya, Col. David Obonyo ayaa Sheegay in Weerarkan uu ka dhacay deegaanka Dhamasa oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, isagoo intaas ku daray in ciidamadoodu ay halkaas ka heleen Qoryo, Telefanada Gacanta Mobiles iyo Raadiyaha ay ciidamadu ku xiriiraan.

“Ciidamadu waxay Weerar ku Qaadeen 20 ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena waxaan ku dilnay saddex xubnood, halka intii kalena ay carareen. Waxaan ka halnay Goobta laba Qori oo AK 47 ah, Telefanka gacanta iyo Raadiye ay ku xiriiraan ciidamada,” ayuu Col. David Obonyo u sheegay Wakaaladda Wararka ee Shiinaha Xinhua.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in weerar kale oo ka dhacay Deegaanka Taraka oo iyadana ka tirsan Koonfurta Somalia ay Al-shabaab isku dayeen inay Ciidamadooda kula beegsadaan Qarax, balse uu fashilmay.

Col. David Obonyo ayaa xusay in ciidanka Kenya ay Howlgallo ay ka wadaan deegaanka Boni ee dalka Kenya ay ku dileen saddex Dagaalyahan oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan ayna burburiyeen saldhigyo KMG ahaa oo ay Al-shabaab Deegaankaas ku lahaayeen.

Afhayeenka Millateriga Kenya wuxuu Xusay in isku-darka Ciidamada ay Al-shabaab ka dileen inay gaarayaan siddeed xubnood, isagoo aan sheegin wax waxyeello ah oo kasoo gaaray ciidamadooda weerarradaas dhacay.

Dhanka kale, Afhayeenku Millateriga Kenya wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, illaa inta ay ka xaqiijinayaan nabadda iyo Ammaanka dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Millateriga Kenya wuxuu sheegay in Ciidamadooda ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda Somalia ee lagu Xaqiijinayo Amniga Guud Somalia, kaasoo ay hormuud u tahay AMISOM oo ay ka tirsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa kordhisay Weerarrada ka dhanka ah Ciidamada ka tirsan AMISOM ee Kenya iyo kuwa ku sugan Kenya, iyadoo Al-shabaab ay ay sheegtay in weerarkii ka dhacay Gobolka Gedo ay kaga dileen Ciidamada AMISOM Askar fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya