4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Arsene Wenger oo ka Carooday Jabkii Kooxdiisa iyo Natiijooyinkii Ciyaarihii Horyaalka Ingiriiska


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Iyadoo Maalin Walba oo Sabti ah ay UK ka dhacaan ciyaaraha Horyaalka Premier League-ga ee dalkaas ayaa waxaa shalay ka dhacday London ciyaar xiiso lahayd oo u dhexeysay Chelsea iyo Arsenal, taas oo looga adkaaday Arsenal.

Kooxda Chelsea oo ay guul-darrooyin badan isku daba-raaceen ayay neef badani kasoo go’day markii ay 2-0 kaga adkaatay Naadiga Arsenal, Labadan Gool ayaa waxaa u kala dhaliyay Kurt Zouma iyo Eden Hazard, iyadoo Chelsea ay guushan u noqotay tii labaad lixdii kulan ee Horyaalka Ingiriiska la ciyaaray.

Guul-darrada Naadiga Arsenal ayaa waxay bilaabatay markii kooxda laga saaray laacibka Difaaca ka dheela ee Gabriel il-biriqsiyo ka hor Dhammaadkii Qaybtii 1-aad ee Ciyaarta, kaddib markuu haraati ku dhuftay Weeraryahanka Kooxda Chelsea, Diego Costa kaddibna uu Costa wejiga farta ka geliyay Laurent Koscielny.

Kooxda Chelsea waxay ka sii faa'iidaysatay markii Garoonka laga saaray laacibka Arsenal ee Santi Cazorla oo laba goor loo taagay warqadda Jaallaha ah markii uu khalad ku galay ciyaaryahan Cesc Fabregas oo loo aqoonsaday inuu Ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ahaa kulankii shalay dhexmaray Chelsea iyo Arsenal.

“Xiririka Kubadda cagta ee Britain waxaan weydiisanayaa inay dib u eegaan sidii garoonka looga saaray ciyaartoyda Arsenal, iyadoo ciyaartoyda Chealse oo Qaar ka mid ah ay khalad galeen ay weli ciyaarta u sii wateen,” ayuu yiri Wenger.

Naadiga Chelsea ayaan wax gool ah laga dhalin Siddeeddii Ciyaarood ee ugu dambeeyay ee ay isaga horyimaadeen Kooxda Arsenal oo uu Xifaaltan adagi kala dhexeeyo.

Ugu dambeyn, Ciyaarihii shalay horyaalka Ingiriiska ayaa loo kala adkaaday sidan:

Chelsea 2 - 0 Arsenal,
Aston Villa 0 - 1 West Brom,
Bournemouth 2 - 0 Sunderland,
Newcastle 1- 2 Watford,
Stoke 2 - 2 Leicester,
Swansea 0 - 0 Everton,
Manchester City 1- 2 West Ham

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya