4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
SAWIRRO: Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ottawa oo isku Booriyay ka Qayb-galka Doorashada Canada


Xuquuqda sawirada: Ururka Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Ottawa
Axad, September 20, 2015 (HOL) - iyadoo 19-ka Oktoobar 2015-ka ay Dalka Canada ka dhici doonto dooorasho ayaa waxaa shir lagu guubaabinayo jaaliyada Soomaaliyeed lagu qabtay Magaalada Ottawa, kaasoo ujeedkiisu ahaa sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ay uga qaadan lahaayeen kaalintooda doorashada soo socta.

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Ururka Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Magaalada Ottawa iyo Ururka Baraarujinta Doorashada (Election Energized) oo u ololeeya in Muslimiintu Codkooda Dhiibtaan.

Kowthar Maxamed iyo Maxamed Yuusuf oo ka socday Ururka Baraarujinta Doorashada dalka Canada ayaa halkaas kasoo jeediyey Warbixin dheer oo la xiriirta:

1. Faa’iidada ay leedahay Nidaamka Dimuqraadiyadda
2. Nidaamka iyo Siyaasadda Doorashada Dalka Canada
3. Mabaadi’da iyo Siyaasadaha ay ku kala duwan-yihiin Xisbiyadda Dalka Canada iyo
4. Waxyaabaha Muslimiintu ka Tabanayaan Siyaasadaha Xisbiyadaas.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah Carabka loogu dhuftay, Dhibaatooyin ay Muslimiinta Canada kala kulmi karaan sharciyada kala ah C-24 iyo C-51 oo ay dhawaanta dhaqan-galisay Xukuumadda Maxaafida (Conservative) ee talada Canada haysa. Sharciyadaas oo si Gaar ah u Bar-tilmaameysanaya Dadka Muslimiinta ah iyo guud ahaan Dadka haysta labada dhalasho (dual citizens), ayadoo loogu soo gabanayo la dagaalanka Argagixisada iyo sidoo kale sugidda amniga Canada. Sharciga C-51 ayaa Waxaa taageeray xisbiga Liberalka halka uu kasoo horjeystay xisbiga NDP-ga.

Ururka baraarujinta doorashada dalka Canada ayaa soo bandhigay tirakoob ay ku sheegeen in 46% Muslimiinta Canada ay codeeyaan, taasoo aad uga yar ummadaha kale ee Dalka Canada. Tiradaas aad ayay uga sii yaraanaysaa marka la barbar dhigo Soomaalida Canada ka codeysa.

Munaasabadda oo ay si wacan u xiriirineysay Amar Cali ayaa wax iyaguna halkaas kasoo jeediyey hadalo guubaabo ahaa Sheekh Saciid Cali iyo Xaawo Shaafici kuwaasoo intooda badan ka hadlayay Muhimadda ay leedahay in laga Qayb-qaato Cod-bixinta Canada.

Ugu dambeyn, Doorashadaan ayaa markii ugu horreysay taariikhda Dalka Canada, waxaa sharraxan saddex Musharax oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo: 1. Abdul Abdi – Xisbiga Conservative, 2. Faisal Hassan – Xisbiga NDP iyo Ahmed Hussen - Xisbiga Liberal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya