4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
Dowladda Kenya oo Sheegtay Maanta in la xirayo Dhammaan Iskuullada ku yaalla Waddankeeda


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa amar ku bixisay maanta in gabi ahaan Iskuullada ay Dowladdu Maamusho iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Dalkeeda in la Xiro laga billaabo maalinta Isniinta ah ee soo socota, iyadoo Tallaabadan ay imaanayso iyadoo macallimiinta dalkaas ay ku jiraan shaqo-joojin ay mushaar yari haysata kaga cabanayaan, iyadoo ay aad u yaraadeen Ardayda aadaysa Iskuullada.

Wasaaradda Waxbarashada Dalka Kenya ayaa Maanta oo Jimco ah Shaacisay in Ardaydii sannadkan 2015-ka u fariisan lahaa Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka Kenya ay kusii Nagaanayaan Iskuullada.

Xoghayaha Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Leah Rotich ayaa Warbixin kasoo baxday Wasaaradda ku sheegtay in Wasaaradu ay dib kasoo sheegayso xilliga la furayo iskuullada dadweynaha ee ay dowladdu maamusho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Sidoo kale, Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ardayda dhigta fasalka koowaad iyo Fasalka 7-aad ee Dugsiyada hoose/dhexe iyo sidoo kale kuwa dhigta fasallada koowaad iyo kuwa 3-aad ee Dugsiyada Sare aysan iskuulada aadin Tan iyo markii Shaqo-joojinta ay sameynayaan Macallimiintu billaabatay.

“Markii aan dib u eegis ku sameynay Wakhtiga Waxbarashada Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ayaa muujinaysa inaysan si wanaagsan u socon saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay, marka laga Reebo kuwa dhigta Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe & kuwa Fasalka Afaraad ee Dugsiga sare oo Imtixaanka kama Dambeysta ah isku diyaarinaya,” ayay hadalkeeda ku daray Rotich.

Leah Rotich ayaa sidoo kale Macallimiinta Kenya weydiisatay inay caawinta Ardayda isku diyaarinaya imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan 2015 ay sii wadaan. iyadoo Sarkaaladu ay tiri. “Waxaan Rajeynaynaa in Macallimiinta Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe iyo kuwa Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare ay sii wadi doonaan in ardayda isku diyaarinaya Imtixaanka kama dambeysta ay ka caawin doonaan Waxbarashada.”

Dhanka kale, Xoghayaha Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Leah Rotich ayaan sheegin in ay Walaaddiinta dhalay ardayda Kenya ay dib ugu celinayaa lacagtii ay bixiyeen intii Wax-barashadu aysan billaaban.

Sannadkii hore, markii iskuullada Kenya ay Iskuullada Kenya u Xirmeen Sababo la xiriira macallimiinta oo shaqo-joojin ku dhawaaqay ayuu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Belio Kipsang wuxuu weydiistay walaalidiinta inay iskuullada gaarka ah lasii shaqeeyaan sidii lacagahooda loogu celin lahaa, haddii kalena loo wareejin doono ardaydooda Sannad-dugsiyeedka soo socda.

Ugu dambeyn, Jimcaha maanta ah ayay Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya Shaaciyeen tirada ardayda u fariisanaysa Imtixaanaadka Shahaadiga ah, iyagoo sheegay inay ardayda Fasallada 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo tiradoodu gaarayso 937,467 ay Imtixaanka u Fariisan Doonaan Bisha November,2015-ka, iyadoo Sidoo kalena ay Ardayda Dhigta Fasalka 4-aad ee Dugsiyada Sare oo iyaguna Tiradoodu tahay 525,802 ay u Fariisan doonaan Imxitaanka bisha Oktoobar ee Sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya