4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
Maamulka Jubbaland oo Dil Toogasho ku Fuliyay Askar lagu eedeeyay dilka laba Qof oo Rayid ahaa


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Maamulka Jubbaland ayaa Maanta Toddoba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Booliiska Maamulkaas ku Fuliyay Dil Toogasho, kaddib markii ay ku Caddaatay inay dulleedka Magaalada Kismaayo shalay ku dileen laba Ruux oo rayid ah.

Guddoomiyaha ku Xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku Dhawaaqay Xukunka Toogashada ah ee Toddobadan Askari lagu Fuliyay Maanta, isagoo sheegay inay qirteen inay dileen laba qof oo rayid ah.

“Askartan Waxay si Cad u Qirteen inay Dulleedka Magaaladan Kismaayo Shalay ku dileen laba Qof oo rayid ah, sidaa awgeed Maxkamaddu Waxay ku Xukuntay Dil toogasho,” ayuu yiri Guddoomiye ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale, Xareed ayaa intaas ku daray in cid walba oo lagu helo inay disho qof shacab ah ay Mudan Doonto Xukunkan oo kale, iyadoo Toddobada Askari, isla Maanta lagu Fuliyay dilka Toogashada ah ee lagu Xukumay.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaan wax Faahfaahin ah ka bixin sababta Askartan ay u dileen labada Ruux shacabka ah, taasoo ahayd middii sababtay in lagu xukumo dil toogasho; laguna fuliyo isla maanta oo Jimco ah.

Toogashada Askartaan ayaa ka dhacday Xeebta Kiboro ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ay Toogteen Ciidamo ka Tirsan kuwa Jubbaland, iyadoo Goobta Toogashadu ka dhacaysay ay ku sugnaayeen Qaar ka mid ah Saraakiisha sare ee Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, Maxakamdda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxay saddex Askari oo kale oo la socday askartan la toogtay ay ku xukuntay min Saddex sano oo xabsi ah, kuwaas oo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland uu sheegay in baaritaano lagu sameeyay saddexdan Askari ay ku caddaan wayday inay dilka labada qof ee shacabka ah loo geystay.

"Maxkamaddu markii ay Baaritaan ku Sameysay Saddexdaan Askari ee la socday Askarta  dilka geystay ee toogashada lagu xukumay, waxaa caddaatay inaysan Qoryahooda Xabadi aysan ka dhicin, balse ay goobjoog ahaayeen, Sidaas awgeedna Waxaan ku xukunnay mid kasta oo ka mid ah sadex sanadood oo xabsi ah," ayuu hadalkiisa raaciyay Bashiir Xareed.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Maamulka Jubbaland uu mar Qura ku Fuliyo xukun toogasho oo dil ah toddoba ka mid ah ciidamadiisa, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli Qaraxyo is-xigay ay Al-shabaab ka geysatay Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya