4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo saakay DAGAAL kula Wareegay Deegaanka Yaaq-bari-weyne


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo todoba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda Somalia ayaa ku Geeriyooday dagaal ay Saakay Xoogag ka tirsan Al-shabaab kula Wareegtay Deegaanka Yaaq-bari-weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa Qarxay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen laba saldhig oo ay deegaankaas ku lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyagoo la Wareegay saldhigyadaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Weerarka ku qabsadeen labo Gaadiidka Dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo Al-shabaab ay intaa ku dartay inay Askar nool oo ka tirsan kuwa dowladda ay gacanta ku dhigeen.

“Xoogaggeena ayaa la wareegay laba saldhigoo oo ku yaalla deegaanka Yaaq-bari-weyne, kaddib Weerar aan Saakay ku Qaadnay,” ayuu yiri Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo Reuters la hadlay. Inkastoo uusan sheegin khasaaraha ka soo gaaray dhankooda weerarka ay ku Qaadeen Deegaanka Yaaq-bari-weyne.

Sidoo kale, Col. Cusmaan C/llaahi oo ka tirsan saraakiisha dowladda Somalia ee ku sugan deegaanka Yaaq-bari-weyne ayaa sheegay in Weerarkii Saakay ay kaga dhinteen Toddoba ka mid ah ciidamada dowladda, shan kalena looga dhaawacay.

“Ciidamada Dowladda Somalia Inkastoo ay Iska-difaaceen Al-shabaab, Haddaba Way ka baxeen saldhigga oo waxay hadda ku sugan yihiin dulleedka deegaanka Yaaq-bari-weyne,” ayuu Col. Cismaan Hadalkiisa ku daray.

Guddoomiye ku Xigeenka Dhanka Ammaanka ee Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Xaqiijiyay in Al-shabaab ay saaka la wareegeen Deegaanka Yaaq-bari-weyne; kaddib markii ay Weerareen Saldhigyo ay ciidamada DF ku lahaayeen.

“Deegaanka Yaaq-bari-weyne Ciidamadii Dowladda Somalia way isaga baxeen oo waxay hadda ku sugan yihiin bannaanka magaalada, inta Gurmad uga imaanayo halkaas ayay ku sugnaan doonaan,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka, oo aan sheegin xilliga gurmadku u imaanayo ciidamada iyo inay dib ugu laaban doonaan intaban.

Shacabka ku nool Yaaq-bari-weyne oo ku dhow Degmada Wanla-weyne ayaa Sheegaya in xaaladu ay tahay mid degen, ayna deegaanka ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab, balse ay ka baqdin qabaan in dagaallo kale ay ku dhexmaraan labada dhinac.

Ugu dambeyn, Dagaalkii ay saakay Al-shabaab ku Qabsatay Deegaanka Yaaq-bari-weyne ayaa noqonaya deegaankii labaad oo wareegeen 24-kii saac ee u Dabmeeyay ay Dowladda Somalia kala Wareegto, iyadoo saakay ay Al-shabaab la Wareegay Deegaanka Jannaale oo ay horay ugu Weerareen Ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya