4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
AMISOM oo isaga baxday Deegaanka Jannaale iyo Xoogagga Al-shabaab oo Saakay la Wareegay


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya inay deegaankaas isaga baxeen Ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa, halkaasoo ahayd deegaankii lagu weeraray ciidamadii ka socday dalka Uganda ee Howlgalka AMISOM ka tirsanaa horraantii bishan September.

Goobjooge ku sugan deegaanka Jannaale ayaa u sheegay Waarbahinta Muqdisho qaarkeed in Ciidamada AMISOM ay ay gabi ahaanba ka baxeen xeradii ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Markii ay Ciidamada AMISOM ka Guureen Deegaanka Jannaale ay durba soo galeen xoogag kat tirsan Xarakad Al-shabaab, kuwaasoo maanta howlgal baaris ah ka wada deegaankaas.

Shacabka ku nool Deegaankaa Jannaale ayaa Walaac Xooggan ka muujiyay sida Xaaladda deegaankooda ay isku bedeshay, waxaana Saakay Xiran guud ahaan Xarumaha Ganacsi ee deegaankaas ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeen Amniga ee Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Isaguna Xaqiijiyay in Al-shabaab ay si Rasmi ah ula Wareegtay Saaka la Wareegeen Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

“AMISOM Waxay noo Sheegeen markii ay ka baxayeen Deegaankaas ayay nagu soo War-geliyeen inay ka baxayaan, Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo aan ka dhaweyn Goobta darteed ayay Al-shabaab soo galeen, iyagaana si buuxda Gacanta ugu haya,” ayuu yiri Cali Nuur Maxamed.

Isagoo sii hadlaya ayuu Guddoomiye ku xigeenku intaas ku daray in qabshada Al-shabaab ay Qabsanayaan deegaannada ka tisran Gobolka Shabeellada Hoose aysan ahayn awood ay leeyihiin, balse dhibaatadu ay tahay ka bixitaanka looga baxayo Deegaannada Gobolka.

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegeen xoogag ka tirsan kuwooda deegaanka Jannaale, kaddib markii ay isaga baxeen ciidankii AMISOM ee horay ugu sugnaa.

Ugu dambeyn, Qabashadaha Al-shabaab ee Deegaanka Jannaale ayaa Wuxuu imaanayaa xilli 01-dii bishan September ay Al-shabaab weerar khasaare badan dhaliyay ku qaadeen, kaasoo lagu dilay askar badan oo ka tisran AMISOM.

Si kasta ha ahaatee, la wareegista deegaanka Jannaale ayaa wuxuu kaloo ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweyanha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu shalay wareysi uu Reuters siiyay ku sheegay in qabshada Deegaannada ay la wareegtay Al-shabaab uusan ahayn macnahiisu ahay inay awooddoodii soo laabatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya