4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
Aqoon-is-weydaarsi la xiriira baahinta Awoodda Maamulka oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Kulan ay soo Abaabushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose  ee Maamulka Koonfur-galbeed ayaa shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdiraxman Aadan Ibraahim Sete.

Dooda Aqoon-is-weydaarsiga ahayd ayaa waxaa kasoo Qayb-galay qaybaha kala duwan ee Arrimaha Bulshada iyo Waxgaradka Degmada Baydhabo, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bay, Dr. Rashiid C/llaahi Maxamed iyo Guddoomiyaha Baydhabo C/llaahi Mad-watiin.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay sidii Awooda maamul loogu baahin lahaa Bulshada Koonfur-galbeed, Mas’uuliyiinta ayaa dood dheer kaddib waxay go'aansadeen in maamul-wanaag iyo baahinta Awoodda Maamul oo ka Qayb-qaataan Dhamaan Mujtamaca Maamul-gobaleedka Koonfur-galbeed doodda ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahanno  ka mid ah Bulshada rayidka.

Hiiraan Online, Baydhabo