4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2015
MINNESOTA: Wiil kale oo Qirtay inuu doonayay inuu ku Biiro Kooxda ISIS ee ka Dagaalanta Syria


Jimco, September 18, 2015 (HOL) — Qofkii labaad ee ka mid ahaa dhallinyaradii Somali ah oo lagu xiray gobolka Minnesota 19-kii Abriil, 2015, kuwaasoo Dowladda Mareykanku ay ku eedeysay inay u socdeen Siiriya si ay ugu biiraan ISIS; ayaa ka hor-qirtay dambigaas shalay Maxkamada Federaalka ee Minneapolis.

Zakariye Yuusuf C/raxmaan oo 20-jir ah ayaa xaakinka u sheegay inay ku ahayd waajib in uu ku biiro Kooxka Daacish ee ka dagaallanta Suuriya si uu u caawiyo Walaalahiisa Islaamka ah oo dhib weyn iyo Xasuuq ku hayso Dowladda Suuriya ee uu madaxda u yahay Bashar Al-Asad. Waxa kaloo uu sheegay inuu ogaa inay Kooxdaas ISIS Dadka Gowri jireen ayna gubi jireen Maxaabiista.

“Waxaan daawaday Filim dad Muslim ah oo Waayeel ah oo dhahaya aaway Muslimiinta,” ayuu Zakariye u sheegay Xaakinka, isagoo xusay in Arrintaans ay ku kalliftay Arrintaas ayaa ku kaliftay in uu go’aansaday inuu caawiyo walaalahiis Islaamka ah ee Siiriya.

Qirashada uu qirtay hal dambi oo ah inuu doonaayay inuu ku biiro koox Argagaxiso ah ayaa ciqaabteedu noqoqn karto inta u dhaxaysa 0 - 15 sano oo Xabsi ah.

Xaakinka ayaa u sheegay Zakariya inuu ogyahay wuxuu qiranaayo iyo inaan lagu qasbin qorshahan uu ku qirtay dambiga ee uu xaq u leeyahy in uu Maxkamd la saaro oo uu xaq u leeyahay in uu is difaaco. Zakariya ayaa xaakinka u sheegay inuu ogyahay xaquuqdiisa uuna go’aansaday in uu qirto dambigan.

Zakariya wuxuu magacaabay dadka shirqoolka kula jiray oo ka mid ahaa qofkii basaaska ahaa. Toddobaadkii hore waxaa isna dambi midkan la mid ah Qirtay Hanad Muse, laakiin, Hanad ma Magacaabin Dhallinyarada kale.

Waxa la ogyahay in Dowladda ay Basaaska siisay lacag dhan $42,000 Taasoo Dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota kicisay oo u arkeen in basaaska uu ka dambeeyay in caruurta dambiga galaan.

Dhanka kale, Zakariya ayaa ahaa Arday dhigta Minneapolis Community and Technical College barta Maadada Computerka. xaakinka ayaa aqbalay hishiiska u dhaxeeya Zakariya C/raxamaan iyo Dowladda. Xaakinka wuxuu kaloo u sheegay inuu haysto illaa 7 casho oo uu bedeli karo Dambigan uu Qirtay uuna xaq u leeyahay inuu maxkamad aado.

Zakariye waxuu noqonayaa qofkii Saddexaad oo dhallinyarada Minnesota ah oo Qirta Dambigan oo kale inta lagu jiro sannadkan.

Waalidiinta kale ayaa wali iyaguna walwalkuudu sii kordhayaa kuwaasoo wali xiran dambina uusan ku caddeyn ubadkooda.

Markii ay maxkamada dhamaatay ayuu Zakariye u gacan haadiyay Waalidkiis oo murugo ka muuqatay, Ayaan C/raxmaan oo ah zakariye hooyadii ah ayaa la hadashay saxaafadda waxayna sheegtay inay dareemayso murugo wayn, maadaama ay tahay hooyo.

Siyad Said Salah, Hiiraan Onilne
[email protected]
Minneapolis Minnesota