4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
SOUTH SUDAN: In ka badan 170 Qof oo ku Naf-waayay Qarax ka Dhashay Booyad Shidaal Siday


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — In ka badan 170 qof ayaa ku dhintay, boqolaal qof oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii Booyad Shidaal siday ay si lama Filaan ah u gadoontay; Markaasoo Dad badan ay kusoo Urureen Goobta si ay Shidaalka Daadanayay caagag ugu gurtaan, balse uu dab ka dhashay, kaasoo sababay khasaaraha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta South Sudan.

Qaraxan khasaaraha faraha badan dhaliyay ayaa Arbacadii shalay ahayd ka dhacay gobolka Western Equatoria oo ku yaalla Koonfur-galbeed Wadankaas, iyadoo Madaxa Warfaafinta Gobolkan, Charles Kisagna uu sheegay in 50-qof oo ka mid ah dadkii dhaawacmay Shilka ay Xaaladdoodu tahay khatar tahay.

“Ma haysano qalab caafimaad, dadka dhibku soo gaartayna ma badbaadin karin, waayo ma aanan haysan qalab aan ku daaweyn karno dadka qaraxa ku gubtay,” ayuu Charles Kisagna u Sheegay Reuters, isagoo intaas ku daray inuu Gaarigan shidaalka siday uu isaga safrayay Magaalada Juba iyo Western Equatoria.

Guddooomiyaha Gobolka Western Equatoria, Patrick Raphael Zamoi oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in in dhimashadu ay haatan marayso 176-qof, wuxuuna xusay inay dadka weli dhimanayaan, iyadoo aanay jirin qalab caafimaad oo dadkan lagu daweyn karo si loo badbaadiyo.

"Dadku weli way dhimanayaan... waayo isbitaalladu ma haystaan qalab caafimaad oo lagu daweyn karo dadkan dhibaatadu soo gaartay... isbitaallada gobolka waxaa la dhigay tiro ka mid ah dadka dhibaatada gubashada ah ay soo gaartay, Qaarkoodna Xaaladdoodu waa mid khatara h," ayuu yiri Zamoi.

Shilal Noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay Waddamada Bariga Afrika, sida dalalka Kenya iyo Uganda, iyadoo inta badan Khasaaraha Noocan ah uu ka dhaco Deegaannada ay ku nool yihiin dadka faqriga ah, kuwaasoo ay Waxyeello kasoo Gaarto iyagoo isku dayaya inay shidaalka daadanaya caagag ku shubtaan.

Inta badan Dalka Koonfurta Suudaan kama jiraan Waddooyin ay Gaadiidku si Wanaagsan ugu socon karaan; iyadoo dalkan lagu tilmaamo kan ugu faqrisan caalamka, ayaa waxaa ka socda dagaallo sokeeye oo u dhexeeya xukuumadda dalkaas iyo mucaaradka uu horkacayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee South Sudan.

Afhayeen u Hadlay Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan oo lagu Magacaabo, Ateny Wek Ateny ayaa sheegay in Qaraxii ka dhashay shidaalka ee Arbacadii ka dhacay Gobolka Western Equatoria uusan Wax Xiriir ah la lahayn Colaadaha Waddankaas ka socda; isagoo yiri. “Shilkan wuxuu ahaa shil si caadi ah u dhacay.”

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidamada Koonfurta Suudaan, Philip Aguer ayaa isna sheegay in aan weli la ogeyn Sababta keentay in uu Dab ka dhasho Shidaalka ka Daatay Booyadda, Laakiinse ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo Sababta.

Ugu dambeyn, Bishii Juun, 2013-kii ayaa Sidaan oo kale Waxaa Dab ka dhashay Booyad Shidaal oo ku Rogmatay Bartamaha Uganda Waxaa ku dhintay 30-qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, dadkaasoo ahaa kuwo isku dayaya inay shidaalkii daadanayay caagag ku shubtaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya