4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Weerarrada Al-shabaab Macnahoodu ma aha inay dib u soo Xoogeysteen

/images/2015/apr/Xasan_Shiikh_Soamalia_PR_Muqdisho_HOL.jpg
Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku Sheegay Wareysi uu siiyay Reuters in Deegaannadii ay Bishaan la Wareegeen Al-shabaab aysan Macnaheedu ahayn inay dib u soo laabanayso Awooddii Al-shabaab.

Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay xilka ka tuurto dowladda Somalia ee uu Caalamku Taageero ayaa bishan dib ula Wareegay Deegaanno ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Somalia, kuwaasoo ay ka mid tahay; Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib weerarkii ay Bishan billowgeedii ku Qaadday Saldhig AMISOM ay ku leedahay Deegaanka Jannaale.

Deegaannadan oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa ka socda dalalka Afrika Qaarkood ee AMISOM ay isaga baxeen, kaddib markii ay weerarro is-daba-joog ah kala kulmeen Xoogagga Al-shabaab.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya Waxay Al-shabaab ka saareen inta badan Magalooyinka Soomaaliya, kuwaasoo gabi ahaan muhiim ah,” ayuu Madaxweynuhu ku yiri Wareysiga uu siiyay Reuters.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Waxaa laga yaabaa in Al-shabaab ay dib u qabsatay Deegaanno yar-yar oo Goobo Fog-fog ku yaalla, Kuwaasina mana ahan kuwo muhiim ah.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab ay mar maamuli jirtay in badan dalka Somalia, balse haatan ay kusoo hareen Deegaanno yar oo dalka ku yaalla oo ay ka mid yihiin kuwo ku teedsan Xeebaha dalka.

Al-shabaab ayaa hadda maamusha Degmada Xarar-dheere oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somalia iyo kuwo kale oo ku yaalla Gobolka Gal-guduud oo Dacalka ku haya Xeebta Badweynta Hindiya.

“Haatan awoodda Al-shabaab ma ahan mid dib u soo noqonaysa. Waayo waxay lumiyeen wax walba oo ay ku awoodi kareen inay dib ugu soo celiyaan awoodii ay lahaayeen,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dublamaasiyiin Reer Galbeed ah ayaa sheegay dhawaan in awooddii Al-shabaab si tartiib-tartiib ah loo wiiqay, balse ay weli awood u leeyihiin in ay Weerarro ka geystaan Somalia oo haatan ay ka socdaan dib u dhis iyo hannaanka dhismaha dowladnimada dalka.

Xarakada Al-shabaab ayaa Maanta Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax ay Saddex ka mid ah Saraakiisha Jubbaland ku Geeriyoodeen in ku dhow 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kaasoo ka dhacay xero ku taalla magaalada Kismaayo oo Mushaar loo Qaybiyay Ciidammo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalku uu haatan dadaal weyn ugu jiro sidii loo Maal-gashan lahaa, sharciga maal-gashigana loo sameyn lahaa, iyadoo ay dalka db ugu soo laabteen Somali fara badan oo dibadaha ku noolaa kuwaa oo Dalka ka billaabay Ganacsiyo cusub.

“Soomaaliya Waxay Mustaqbalka dhow soo Jiidan doontaa Maal-gashadayaal Ajaanib ah. Waxaana wadnaa Qorshayaashii lagu dhisayay sidii ay taasi u dhici lahayd,” ayuu mar kale Xasan Sheekh Hadalkiisa raaciyay, isagoo aan qeexin sida ay ku dhici doonto Arrintan.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa xusay in waxyaabaha muhiimka ah ee soo jiidan doona maal-gashadayaasha caalamka oo ay ka mid yihiin; kaluumeysiga, beeraha iyo horumarinta Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya