4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
Taliye ku-xigeenka Booliiska DFS oo la Kulmay Saraakiisha AMISOM ee G/Hiiraan (SAWIRRO)


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Somalia, Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Beledweyne, ayaa kulan la qaatay saraakiisha howlgalka AMISOM ee gobolka Hiiraan.

Jen. Mukhaar la kulmay Taliyaha Ciidammada AMISOM ee gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad, iyo Saraakiisha booliiska AMISOM oo ay ka Wada-hadlleen Arrimaha amniga, iyo siddii is-kaashi buux u yeelan lahaayeen AMISOM iyo ciidanka booliiska gobolka Hiiraan.

Saraakiisha AMISOM ayaa dhinacooda amaanay howlaha booliiska Somalia, gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan oo ay sheegeen in ay shaqo wanaagsan ka qabteen arrimaha amniga, islamarkaana gacan buuxda ka siin doonaan siddii loo xoojin lahaa dadaalka lagu sugayo nabad-galyada guud ahaan deegaanada laga saaray Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa gacan weyn ka siinaya maamulka gobolka dhismaha Ciidammo tayo leh, iyagoo horay tababaro u siiyay ciidammo ka tirsan Booliiska gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya