4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
SAWIRO: Jaamacadda Horseed oo Maanta Daah-furtay Waxbarashada Sare ee Master Degree-ga


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Xaflad Maanta lagu Qabtay Hotel Diplomatic ee Magaalada Muqdisho ayaa looga Dhawaaqay Waxbarashada Daraasaadka Sare ee Master Degree-ga ah oo ay soo kordhisay Jaamacadda Horseed, iyadoo Xafladda ay Goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka Socday Dowladda FS, Xildhibaanno, Mas’uuliyiinta Jaamacadda Horseed, Macalimiinta, Ardeyda Jaamacadda iyo Marti-sharaf kale.

Furitaankii Munaasabadda ayaa Waxaa ka Hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Horseed, C/kariin Sheekh Maxamed oo sheegey in Jaamacadda ay dadaal weyn u gashay in sidii Ardeyda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Daraasaadka Sare ee Master Degee-ga, waxaa uu sheegey in aakhirkii ay Jaamacadda Horseed heshiis la gashay Jaamacadda PONGOLA ee Dalka Suudaan; isagoo Hoosta ka Xarriiqay   in Macalimiin ka socota Jaamacadaas ay iman doonan Somalia, kuwaasoo uu xusay inay bixin doonaan Waxbarashada Daarasaadka Sare.  

Xubnihii kale ee ka xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Maxamuud Macallin Yaxye oo Hormuud u ahaa Heshiiska ay kala saxiixdeen Jamaacadda Horseed iyo PONGOLA ayaa u Mahad-celiyey intii ku garabsiisay dhaqan-galka Barnaamjkan Waxbarasho oo uu sheegay inay Faa’iido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ardeyda doonaysa inay Waxbarashada Master Degree-ga ka faa'iideystaan fursaddaan.

Sidoo kale, Madaxa Waxbarashada, ahna Wakiilka Guddoomiyha Jaamacadda Pongola, Dr Nasrudiin Suleymaan Cali oo isna xafladda ka hadlay ayaa wuxuu yiri. ”Aad ayaan ugu faraxsan-nahay in Jaamacadda Pongola ay Hesiis la gasho Jamaacadda Horseed si loo dhaqaajiyo Waxbarashada Daraasaadka Sare marka Waxaan Rajeynayaa in arday badan oo  Soomaaliyeed ay ka faaiideysan doonaa; maadaama dhaqaale badan uu ku bixi jiray marka dibadda loo aado.”

Waxaa kaloo isna xafladda ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo wax kusoo bartay Sudan; isagoo u mahad-celiyay intii Waxbarashadan Daraasaadka sare ee  [Master Degree-ga ah] Suuro-gelisay in Soomaaliya la keeno, Wuxuuna xusay inuu aad ugu farxay in Jaamacad laga leeyahay dalka Suudaan ay arrintan ku talaabsato; sidoo kalena wuxuu kula dardaarmay Ardayda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan Waxbarashadan oo uu sheegay inay tahay Waxbarasho sare u Qaadaysa Aqoonta Ardayda Soomaaliyeed; isla markaana u fudueynaysa inay helaan Shahaadada Master Degree-ga iyagoo dalkooda jooga.

Dr. Amal Maxamed Ciza-ddiin oo ah madaxa Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Pongola oo iyaduna xafladda ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay timaado dalka Soomaaliya, isla markaa  ay Jaamacaddooda Ardayda Soomaaiyeed u Fududeyso helidda Waxbarashada Sare ee Master Degree-ga; Waxayna kula dardaaran Bulshada Soomaaliyeed  inay Waxbarashadaan sare ka faa’iideystaan.

Dhanka kale, waxaa ka hadlay Xafladda Camaar Maxamed Siraaji oo Jaamacada Pongola u  qaabisan xiriirka dibadda waxaa ku dheeraaday aas-aaskii Jaamacada Pongola oo uu sheegey inay ku taalo Waqooyiga dalka Suudaan; isagoo xusay in Jaamacaddaas ay ka kooban tahay 12-kuuliyadood, Wuxuuna intaas ku daray in ay ugu Mhiimsan tahay Kulli-yadda Beeraha iyo Xoolaha; maadaama Deegaanka ay Jaamacada ku taallo uu yahay dhul beereed, wuxuuna ardeyda Jaamacadaha dhameysatay ee doonaya inay galaan Daraasaadka Sare u soo jeediyay inay ka faa’iideystaan Fursaddan Waddankooda loogu keenay.

Ugu dabmeyn, waxaa goobta ka hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Somalia, Xaamuud Cali Xasan oo isagana sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay soo Dhaweynayso Waxbarashada Master Degree-ga ah ee ay Hir-gelisay Jaammacadda Horseed; isagoo in Wasaaraddiisa ay ballan-qaadayso sidii Waxbarashadan Sare ay u Gaarsiin lahayd Dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka; si Ardayda Soomaaliyeed ay u helaan inay ku Qaataan dalkooda Waxbarashada Sare.

Xafladda intii ay Socotay ayaa ayaa ka Qayb-galayaashii Joogay loogu soo Bandhigay Filim ka Hadlayay Waxbarashada Labada Jaamacadood ee Horseed iyo Pongola. Iyadoo madaxda labada jaamacadood ay halkaas isku guddoonsiiyeen Hadiyo Qaali ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya