4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
Duur-joog ay ka mid yihiin Libaaxa, Maroodiga iyo Goroyada oo dib ugu soo Laabnaya Somalia


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Warbaahinta Caalamka ayaa Baahiyay in Duur-joogtii Kenya ay u soo baxsatay Soomaaliya, Waxaana ka mid ah duur-joogta soo gashay Gudaha Soomaaliya Maroodiga, Lo’ Gisiga, Goronyada, Libaaxa, Haram-cadda, Geriga & kuwa kale, Waxaana Ugaartaas badankeed lagu arkay Gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Somaaliya.

Duur-joogta ayaa la Rumeysan yahay inay kasoo Careen Keynta Deegaanka Boni; kaddib markii halkaas ay ka dhaceen Dagaallo u Dhexeeya Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya, iyadoo Amaan-darrada ka dhalatay ay Sababtay inay Ugaartu u soo aadaan dhanka Somalia.

Keynta Boni ayaa ah meel caan ku ahayd noocyada kala duwan ee Ugaarta Duur-joogta ah, waxaana deegaankaan uu ku dhow-yahay Soohdinta ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, Halkaasoo la sheegay inay Al-shabaab ka sameysteen saldhigyo ciidan.

“Xayawaanka Duur-joogta ah waxay dib ugu soo laabanayaa Gudaha Soomaaliya iyagoo u socoda raxan-raxan; Waxaa aragnay goronyo, sidoo kale waxaa magaalooyinka soo galaya Harama-cas iyo Maroodi,” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Badaade Haybe.

Maroodiga ayaa waxaa saldhig u ahayd dhulka kaynta badan ee Boni-Kenya tan iyo markii ay Somalia ka billowdeen Colaadaha Sokeeye Sannadkii 1991-kii; illaa Xilligaasna waxaa Somalia ka dabar-go’ay ugaarta Duur-joogta ah.

Saxaafadda Caalamka ayaa wararkooda ku sheegay in ugaartan ay u baxsanayaan Somalia, iyagoo ka tallaabanaya xadka Kenya iyo Somalia u dhexeeya; kaddib markii deegaannadii ay ku noolaayeen ay si joogto Dagaallo ugu soo Laalaabteen iyo Weliba Ugaarsi joogta ah oo ay la kulmeen.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa waxay muujinaysaa in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay kusoo laabanayso deggenaasho u saamaxaysa noolaha Duur-joogta ah ay ka heli karaan nolol aad u wanaagsan kaddib Colaadihii Somalia ka socday muddada labaatameeyada sano ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya