4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
Shirkii Golaha Wasiirrada Somalia ee Maanta oo looga hadlay Amniga iyo Maal-gashiga Somalia


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaasoo looga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen; Amniga, Shirkii Maal-gashiga Somalia ee ka Dhacay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Dajinta Sharciga Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha XFS, C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aaddanaa Horumarada Amniga & Hawlgalada ka socda qaybo ka mid ah Gobollada iyo Degmooyinka Somalia, isagoo tilmaamay in ciidamada dowladda Somalia ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Bay, Halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta Somalia Guuleed Xuseen Qaasim ayaa Golaha Wasiirada Warbixin ka siiyay shirkii Maal-gashiga ee ka dhacay Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha Maal-gashi ee Waddanka Somalia iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga Taageeri karo, wuxuuna xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen Qodobada sida weyn looga dooday.

“Waxaan u Sheegnay in Somalia aysan u baahneyn oo kaliya Kaalmo dhaqaale, Balse ay u baahan tahay in la maalgashado iyo in shaqo ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed, si loo helo Xasilooni Dhaqaale, mid Siyaasadeed iyo mid Amni,” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta Somalia.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa ka dooday Siyaasada Naafada Qaranka iyo sidii loo heli lahaa Sharci Dhameystiran oo lagu Dabaqo Dadka Naafada ah , si ay u helaan xaquuqdooda iyo daryeelkooda, waxaana sharcigan soo diyaariyay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo Golaha Wasiiradu ay xuseen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo Sharcigan, iyadoo dood dheer kaddib ay Goluhu dib ugu dhigeen kulanka dambe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya