4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
BURKINA FASO: Dowladii oo la Af-gambiyay iyo Madaxweynihii & RW-hii oo la xiray (SAWIRRO)


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Millateriga Burkina Faso ayaa Maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay inay Xilkii ka tuureen Madaxweynihii KMG-ka ahaa ee Dalkaas, Michel Kafando iyo Xukuumaddiisii, iyagoo intaas raaciyay in ay xireen Madaxweynihii, Ra’iisul Wasaarihiisii, Yacouba Isaac Zida iyo Wasiiro.

Afgambigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu waday in dalkaas ay bisha Oktoobar ee soo socota ay ka dhacdo Doorasho, iyadoo  Magaalada Ouagadougou ee xarunta Burkina Faso ay tan iyo Arbacadii shalay ka socdeen Dibadbaxyo Rabshado wata.

Bartamaha Magaalada Ouagadougou ayaa Saakay oo dhan laga Maqayay Rasaas dhacaysa, iyadoo ciidanka awoodda Burkina Faso la Wareegay ay sheegeen in ay sii xukumi doonaan inta laga dhisayo xukuumad cusub.

Xukuumadda Xilka laga Tuuray ayaa waxay dalkaas ka Talinaysay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay 2014-kii, kaddib markii madaxweynihii wadankaas ee xukunka hayay muddada 27-ka sano ah, Blaise Compaoré uu dalkaas ka cararay markii dibadbaxyo ay ka sameeyeen dalkaas shacabka, kuwaasoo diidanaa awoodda kali-talisnimada ah ee uu dalkaas ku xukumayay.

“Ciidamada Qaranka oo ku Midoobay Golaha Dimuqraadiyadda Qaranka, Waxay Maanta Go’aansadeen inay kala diraan Dowladdii KMG ahayd ee Burkina Faso,” ayay millateriga dalkaas ka sheegeen Telefishinka Qaranka.

Iyagoo intaa raaciyay. “Dowladdii KMG ah waxay ku guul-darreystay inay fuliso hadafkii dimuqraadiyadda dalka lagu soo celin lahaa.” Waxayna Xukuumaddu ay Xilka ka Tuureen ay ku eedeeyeen inay ku socotay tallaabadii uu doonayay in uu dastuurka wax kaga bedelo Madaxweynihii Kacdoonka shacab lagu tuuray, Taasoo ay xuseen inay tahay mid lagu kala qaybinayo shacabka.

Saacado kaddib ayay saraakiisha Afgambiga sameeyay waxay u magacaabeen, Jen. Gilbert Diendere oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Dalkaas tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweyinihii hore, Compaore inuu hoggaamiyo dalkaas inta xukuumad laga soo dhisayo.

Xukuumadda Washington ayaa cambaareysay Afgambiga maanta ka dhacay dalka Burkina Faso, iyagoo sheegay in awood millateri aan lagu Xallin karin khilaafyada Siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

“Mareykanku Wuxuu si Adag u Cambaareynayaa isku-day kasta oo Xukuumad ka jira Dal lagu in-qilaabayo iyadoo loo marayo Awood ka baxsan Dastuuriga dalkaas u yaalla; taasoo Macnaheedu noqonayo in la doonayo si Khasab ah lagula Wareego Awoodda,” ayuu Hadal uu Warbaahinta siiyay Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kirby.

Ugu dambeyn, Ciidamada In-qilaabka sameeyay ayaa Maanta oo Khamiis ah ku kala eryay rasaas boqolaal Ddadweyne ah oo bannaabaxyo looga soo horjeedo afgambiga ka dhigayay Magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka Burkina Faso.

Si kasta ha ahaatee, Xaaladda Caasimadda dalka Burkina Faso ayaa xilligan kacsan, iyadoo Millateriga awoodda la Wareegay ay dalkaas kusoo Rogeen ban-dow, iyagoo Sheegay inay xiran yihiin xuduudaha badda, hawada iyo dhulka ee uu dalkaas leeyahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya