4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
Xukuumadda Uganda oo Taliye Cusub u soo Magacowday Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Taliye cusub ayay Xukuumadda Uganda u manta u soo magacowday Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Col. Peter Emola ayaa hoggaamin doona wixii maanta ka dambeeya ciidamada Uganda ee ka tirsan Howlgalka AMSIOM ee Somalia, kaasoo bedeli doona Col. Bosco Mutambi oo ciidamada hoggaaminayay.

Sidoo kale, Lt. Col. Bosco Mutambi ayaa ahaa taliyaha ciidamada Uganda qaybta 16-aad ee weerarka xoogan kala kulmay 01-dii Sep, 2015-ka ay Xoogag Al-shabaab ka tirsan ku qaadeen Saldhiga AMISOM ee deegaanka Janaalle.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in Weerarkii Janaalle uu ku dhacay in taliyashooda ay iska hurdeen; balse Arrintaasi lagu Maxkamadeyn doono.

Xukuumada Uganda ayaa sheegatay in 12 Askari ay ku waysay weerarkaasoo Todobaadyo ka hor lagu qaaday Saldhiggii ay ku lahaayeen Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose..

Ugu dambeyn, Lt. Col. Peter Emola ayaa horay uga shaqeynayay Soomaaliya isagoo hor-kacayay Qaybta Sagaalaad ee Ciidamada Uganda intii u dhaxeysay 2012-ki illaa 2013-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada dalka Uganda kasocda ayaa ah kuwa ugu tirada badan ee ka tirsan ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, inkastoo Weerarkii Horraantii bishan ay Al-shabaab ku qaadday uu ahaa kii ugu xoogganaa ee abid ay Somalia kala kulmaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya