4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2015
Boqollaal Arday ah oo ah Dufcaddii 1-aad oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Jobkey (SAWIRRO)


Khamiis, September 17, 2015 (HOL) — Munaasabad ay ku Qalinjabinayeen 500 Arday oo dhameystay waxabarshada heerka 1-aad; kana baxay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada Jobkey oo shalay lagu Qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka Qayb-galay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin; Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiir ku Xigeenka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, Maxamed Cumar Geeddi & Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Dhamaan Mas’uuliyiintii oo ka hadlay xafladda ayaa waxay bogaadiyeen Ardayda maanta Qalin-jabiyay, iyagoo ku guubaabiyay inay ka Shaqeeyaan Horumarinta dalkooda. Iyadoo Gudoomiyaha Jaamacadda Jobkey Prof. Cabdicasiis Caagane C/samad ayaa sheegay in Jaamacadda ay dabooshay baahiyo badan oo dhanka Waxbarashada sare ah oo dalka ka jiray.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim oo Khudbad ka jeedinayay Munaasabadda Wuxuu xusay in Wasaaradda ay Qorsheyneyso inay shaqo u abuurto dhallinyarada faraha badan ee ka baxa Jaamacadaha dalka.

Sidoo kale, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Somalia Maxamed C/llaahi oo isna goobta ka hadlay ayaa arrin wanaagsan ku tilmamaay in Xaflad loo Qabto Boqolaal Arday oo wax ku bartay dalkooda; isgaoo kula dardaarmay ardayda inay aqoontooda dhanka wanaagsan u adeegsadaan.

Gunaanadkii Xafladda ayaa Shahaadooyinkoodii lagu guddoonsiiyay Ardayda Xafladda Qalin-jabinta ah loo qabtay, kuwaasoo dhameystay waxbarashada Jaamacadda Jobkey.

Ugu dambeyn, Ardeyda ka Qalin-jebisay Jaamacadda Jobkey ayaa noqonaya Dufcaddii ugu horreysay ee Jaamacaddan ka qalin-jabiya, waxayna ku biirayaan Jaamiciyiin horay uga Qalin-jabiyay Jaamacadaha kale ee Soomaaliya; inkastoo shaqo la’aanta ay ka jirto dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya