Ciidamadii Ahlusunna oo isaga baxay Magaalada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud
Jimco, September 11, 2015 (HOL) — Iyadoo Maanta ay Xiisado ka Taaganaayeen Qaybo ka mid ah Gobolka Galguduud ee Bartamaha Somalia ayaa la sheegayaa inay Ciidamadii Ahlusunna ka baxeen Degmada Dhuuso-mareeb oo Xarunta ah u ah Gobolka Galgudud.
Goob-joogayaal u Warramay VOA-da oo ku sugan degmada Dhuuso-mareeb ayaa sheegay in Xoogaggii Ahlusunna ee Gacanta ku hayay Degmadaas ay ka baxeen, kaddib amar uga yimid mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay aadeen dhinaca degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galguduud.
Tallaabadan ay Ahlusunna Ciidamadeeda uga saartay degmada Dhuuso-mareeb ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ciidammo kala Tirsan Ahlusunna iyo Galmudug ay isku Hor-fadhiyaan deegaan lagu magaaabo Mareer-gur oo 28-km u jira Magaalada Dhuuso-mareeb.
“Xaaladda Degmada Dhuuso-mareeb waa mid cabsi ah, Waayo Shacabku waxay Cabsi ka qabaan in dagaallada u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug ay degmada soo gaaraan, balse ma jiraan wax barakac ah oo ay dadku sameynayaan,” ayuu yiri Goobjooge u warramay VOA-da.
Sidoo kale, Goobjoogahan ayaa mar kale yiri. “Ciidamadii Ururka Ahlusunna ee horay ugu sugnaa degmada way ka baxeen, Waxayna Aadeen Dhanka Guriceel, Haddana Magaalada waxaa ku sugan shacabkii oo keliya.”
Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay inay weli Magaalada Dhuuso-mareeb ku sugan yihiin, laakiinse ay joogaan xeryahooda, iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaq ay sameynayaan.
Ugu dambeyn, Goob-joogahan la hadlay VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin wax Dadaallo nabadeed ah oo looga hortagayo dagaallo dhexmara ciidammada kala taabacsan Ahlusunna iyo Galmudug ee isku hor-fadhiya Mareer-gur.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Ahlusunna ayaan weli ka hadlin wararkan ku saabsan in Ciidamadoodii ay ka baxeen Degmada Dhuuso-mareeb oo bilhii lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya