3/12/2025
Today from Hiiraan Online: Somali forces kill 50 militants in airstrikes after ending h...
Wararka Maanta- Jimco, Oct 9 , 2015
Xulka Qaranka Somalia oo Maanta kula ciyaaraya Addis Ababa Xulka Qaranka Dalka Niger


Jimco, Oktoobar 09, 2015 (HOL) — Xulka kubadda cagta ee Somalia ayaa kula yeelanaya gellinka dambe ee maanta xulka Niger ciyaar ka tirsan is-reeb-reebka koobka adduunka ee sannadka 2018-ka ka dhici doona waddanka Ruushka.

Ciyaartan ayaa waxay ka dhici doontaa garoonka kubadda cagta ee Addis Ababa, waxaana ciyaarta oo billaabanaysa saacaddu markay tahay 3:300 ee xilliga Geeska Afrika, iyadoo xulka Somalia ay sheegeen inay u diyaar-garoobeen sidii ay guul uga gaari lahaayeen ciyaartan.

Taageerayaal fara badan ayaa la sheegay inay ku qul-qulayaan garoonka, kuwaasoo lasoo sheegayo inay intooda badan taageersan yihiin xulka kubadda cagta Qaranka Somalia oo ay iska horimaanayaan xulka Qaranka Niger.

Madaxda xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa sheegay in xulka Qaranka Somalia ay muddo bil ah tababarro adag ay ku qaadanayeen Itoobiya, taasoo qayb ka ah diyaar-garowga ay ugu jireen ciyaarta galbta dhacaysa.

Sidoo kale, xulalka Qaranka Somalia iyo Niger ayaa sannadkii 1980-kii waxay isaga hor-yimaadeen dalka Niger, ciyaartaas oo ku dhammaatay bar-barro 0-0 ah, balse xulka Niger ayaa ku adkaaday gool-ku-laadyo.

Ugu dabmeyn, isla sannadkii 1980-kii ayay mar kale labada xul Qaran waxay isaga hor-yimaadeen ciyaar kale oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo kusoo dhammaatay bar-barrro 1-1 ah, waxaana mar kale xulka Niger ay kaga adkaadeen xulka Somalia rigoorayaal ama gool-ku-laadyo.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo xulka Qaranka Somalia ay sheegeen inay si aad ah ugu diyaar-garoobeen ciyaarta ayna rajeynayaan inay guul ka gaaraan ayaan haddana la ogeyn waxay ku dhammaan doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya