Sabti, Oktoobar 31, 2015 (HOL) — Fadhiga ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxa ay cod ugu qaadayeen in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha Jubaland kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii laga doonayay in uu kusoo dhiso golahiisa wasiirada.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo xaadiray 59 xildhibaan, waxaana la gudo galay ka doodista waqti u kordhinta loo sameeynayo madaxweeynaha.
Dood dheer kadib ayaa waxaa cod loo qaaday in mudo laba bilood oo dheeri ah loogu daro madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.
54 xildhibaan ayaa u codeeysay in laba bilood loogu daro madaxweeynaha, halka sedex xildhibaan ay ka aamuseen, iyadoo laba kalena ay diideen.
Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee baarlamanka Jubbaland Mudane Aadan Khaliif ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in baarlamanku isku raacay in mudo laba bilood ah loogu daro Madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golihiisa wasiirada.
Waa markii labaad oo baarlamanka Jubbaland ay waqti kordhin u sameeyeen madaxweeynaha si uu ugu soo dhiso golaha wasiirada.
Madaxweeynaha ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday tashiyo kala duwan oo uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, kuwaa oo ku aadana dhismaha golaha wasiirada cusub ee Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaalya.
Baarlamanka Jubbaland oo waqtiga u kordhiyay xilliga uu madaxweeynaha kusoo dhisayo wasiirada
More News
- SAWIRRO: Duqa cusub ee Muqdisho oo Maanta Kormeer ku Tagay Xafiisyada Dowladda Hoose
- Dibadbax looga horjeedo Magacaabista Guddiga farsamada oo Beledweyne ka dhacay (SAWIRRO)
- Kooxda IS oo sheegtay inay diyaaradii Ruushka iyagu soo rideen & 224-qof oo dhintay (Sawirro)
- Xildhibaan la Dhaariyay iyo Dooddii Sharciga Maal-gashiga Shisheeye oo lasoo Gaba-gabeeyay
- Wasiirka Maaliyada Somalia oo Furay Shir ay ka Qayb-galeen W. Maaliyadda Maamullada Dalka
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo shaaciyay in aan magacaabida gudiga farsamada lagala tashan
- Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Burundi ay ka Saarayso Qaanuunnada Ganacsi ee AFRIKA
- Chelsea iyo Liverpool oo Galabta isku hardinaya Ciyaar Adag oo ka Tirsan Horyaalka Ingiriiska
- SAWIRRO: Hay’ad ka Faaloon doonta Siyaasada Geeska Afrika oo Hargeysa looga Dhawaaqay
- Xoogagga Al-shabaab oo Weeraray Deegaanno ku dhow Degmada Xudur ee Gobolka Bakool
- Diyaarad siday 224-qof oo Ruush ah oo Maanta ku dhacday Gacanka Siinaay ee Dalka Masar
- MADAXWEYNE XASAN: Diyaaraddii ku dhacday Gobolka Shabeellada Hoose waan Baaraynaa
- Taliyaha CXDS oo sheegay inay ka go’an tahay inay ciidammo awood leh dhisaan (SAWIRRO)
- Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadbax ay ku dalbanayeen in lasoo qabto kooxo dil geystay
- Danjire Nicholas Kay oo Ammaanay Howshii Guddoomiyihii hore ee Gobolkaa Banaadir Muun-gaab