12/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2015
Carwo lagu soo Bandhigayay Afkaaro Ganacsi oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 22, 2015 (HOL) — Waxaa maanta Hoteelka Diplomatic ee Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay afkaar ganacsi oo ay soo bandhigayeen qaar ka mida ardayda ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka.

Carwada oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’ada Iftin Foundation iyo ururka aqoon-yahannada Soomaaliyeed ee Somali Alumni Association “SAAS” ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socoday bangiyada Dahab-shiil, Salam Bank, Premier Bank iyo IBS, sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha SIMAD, UNISO, Plasma iyo Jaamacadda Muqdiho.

Ugu horeyn, waxaa carwada daahfuray xiiriiriyaha barnaamijkan Maxamed Bile Maxamed oo sharaxaad kooban ka bixiyay wejiyadii uu barnaamijku soo maray; wuxuuna xusay inuu barnaamijkan soo socday muddo lix bilood ah, ayna ka qayb-qaateen illaa 160 arday oo ka kala socday afar jaamacdood oo kala ah; SIMAD, UNISO, Plasma iyo weliba Jaamacadda Muqdisho.

“Waxay ardaydu soo qaateen tababbaro la xiriira hal abuurka Entrepreneurship, qaababka ay maalgalin ugu heli lahaayeen fikirkooda ganacsi iyo sida ay u maarayn lahayeen ganacsigooda,” ayuu yiri Maxamed Bile oo intaa ku daray inay ardaydu soo bandhigeen 52 fikir ganacasi oo ay marxalada waraysiga (interview) kasoo gudbeen 25-kii fikir ee ugu wanaagsanaa marka loo eego shuruudahii loo dajiyay kala saarsita.

Intaa kaddib, waxaa billowday soo bandhigistii fikiradihii ardayda, iyagoo arday kasta uu sharaxaad kooban ka bixinayay wuxuu mashruuciisu yahay, faa’iidada laga helayo, sida loo wajahayo caqabadaha ka hor-imaan kara iyo sida loo joogtayn karo ganacsigaas si uu waqti badan u sii jiri karo.

Bandhigga afkaarta ganagsi kaddib, waxaa billowday khudbadahii marti-sharafka xafladda, waxaana ugu horreyn hadlay agaasimaha dalladda SOSCENSA, Xasan Axmed Sadiiq oo sheegay inay soo dhaweynayaan barnaamijka, isagoo xusay in ay tahay tallaabo habboon oo horay loo qaaday si loo yareeyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Sidoo kale, madaxa suuq-geynta Salaam Bank, C/raxmaan Ibraahim Cilmi oo ka hadlay isaguna xafladda ayaa xusay in barnaamijkan uu kusoo hagaagay xilli ay jiraan fursado badan oo cid kastaa oo maal-gelin u baahataa ay maanta helayo, wuxuuna bangi ahaan xusay inay diyaar u yihiin in fikradaha lasoo bandhigay ay dhamaanood maal-gelinayaan.

C/qaadir Siciid Naaji oo ah madaxa suuq-gaynta bangiga Dahabshiil oo goobta ka hadlay ayaa isna sheegay in dhallinyarada maanta awooda u leh inay fikrado ganacsi la yimaadaan ay haystaan fursado ay ku heli karaan maalgelin kasta oo ay u baahan yihiin, isagoo xusay in dhammaan fikradihii lagu soo bandhigay goobta iyo kuwii hore ee xagga kharashka oo badan dib loogu dhigay ay diyaar u yihiin in ay maal-geliyaan.

Waxaa isna ballanqaad kaas la mid ah soo jeediyay wakiilka Premier Bank uga soo qayb-galay xafladda, C/raxmaan Maxamed Jimcaale oo bogaadiyay hay’adihii barnaamijkaan isku soo duway.

Nafiso Daahir Samatar oo ka socotay Rugta Ganacsiga Somalia ayaa tilmaantay iyaduna in barnaamijkaan lagu soo bandhigayo fikradaha cusub ee ganacsiga uu kor u qaadayo ganacsiga Soomaaliya, isla markaana uu dhiirri-gelin u noqnayo ardayda jaamacadaha kasoo baxda oo halkii ay shaqo la raadin lahayeen isku howli doona inay la yimaadaan fikrado ganacsi oo loo maal-geliyo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ururka aqoon-yahannada Soomaaliyeed ee Somali Alumni Association (SAAS), C/shakuur Sh. Xasan Faqiih ayaa u hambalyeynayay Bangiyadii ballan-qaaday inay maal-geliyaan fikradihii ganacsi ee ay ardaydu soo bandhigeen, isagoo xusay in barnaamijkan ay halkaas kasii wadi doonaan oo ay gaarsiin  doonaan dhammaan jaamacadaha dalka ka jira o dhan.     

C/shakuur ayaa si gaar ah u codsaday maadaama aysan dalka ka jirin hay’ad u xil-saaran ilaalinta xuquuqaha hindisaha in ardayda bandhiga samaysay loo ilaaliyo xuquuqdooda fikradeed, laguna dhiirri-geliyo, si ardayda kale ay ugu dhiirradaan inay afkaaro cusub la yimaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya