MAAREEYE: Dhammaadka Sannadkan ayaa la dhisayaa Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe


Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (HOL) — Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in meel-wanaagsan uu marayo qorshaha dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Maareeye ayaa intaas ku daray in markii hore qorshuhu ahaa in maamulkan la dhiso ka hor bisha November ee sannadkaan, laakiinse uu dib u dhaciisa ay sabab u ahayd sidii loo xalin lahaa muranno aan badnayn oo dhimasha maamulkan ka dhashay.

“Haatan, meel wanaagsan ayuu marayaa qorshaha dhismaha maamulka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waayo waxaa markii hore loogu talogalay in Novemberta soo socota qaybaha ugu horreeya ee maamulka la dhameystiro, sida; in lasoo xulo ergooyinka iyo in lasoo xulo xildhibaannada baarlamaanka, si doorashada madaxweynaha loo galo, balse marka wax la dhisayo dad badan talada laga qayb-geliyo la rabo muranno badan iyo waxyaabo kale oo soo baxa xal loo helo,” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in inta aan la gaarin Decemberta sannadkan la dhisi doono maamulka labadaasi gobol, sida qorshaha yahayna la helo maamul ay dadku kuwada qanacsan yahay.

Dhanka kale, hadalka wasiirka warfaafinta ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ay sheegtay inay meel wanaagsan marayso howsha dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Ugu dambeyn, waxgaradka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan halka lagu qabanayo shirka maamulkaas lagu dhisayo, waxayna aragti ahaan soo kala jeediyeen in lagu qabto Baladweyne iyo Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, golaha odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay dhawaan shir looga xaajoonayo dhismaha maamulkan, iyagoo u yeeray gabi ahaan xil-dhibaannada iyo wasiirrada ugu jirta dowladda federaalka Somalia si ay uga qaybgalaan shirka wadatashiga ah oo ka dhici doona Baladweyne.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya