12/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2015
Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn oo iclaamiyay shir looga hadlayo Danaha Deegaanka (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 17, 2015 (HOL) — Isimada deegaannada Sool, Sanaag & Cayn oo intooda badan ay ku sugan yihiin deegaanka Qorilay ayaa ka warbixiyay kuklan ay kaga hadlayeen halka ay marayaan howlihii nabadeynta ee dhinacyadii dirirtu ku dhex-martay halkaas.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ugu horreyn  ka warramay wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen deegaanka Qorilay oo ergo ku dhaw 150 oo isugu jira madax-dhaqameed, culummaa'uddiin iyo waxgarad ay kasoo qayb-qaateen ayaa sheegay inay guul ka joogaan intii badnayd arrinta oo ay kala qaadeen ciidankii is hor-fadhiyay.

Wuxuu Garaadka ayaa sheegay inay ku han-wayn yihiin inay dhawaan isugu yimaadaan shir u gaar ah oo isimadu ay uga wada-xaagoodaan danhooda.

Sidoo  kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isaguna ka hadlay madasha Qorilay ayaa ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay inay ismada deganada Sool, Sanaag iyo Cayn ay isugu yimaadaan shir ay ku kala xaajo-qaatan loogana tashado aayaha deegaannadan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare isagoo sheegay in gunaadkan shirkan uu xigi doono mid ay isugu imaanayaan isimada oo lagaga tashanayo arrimaha khuseeya gobolladan.

Dhanka kale, gogoshii uu fidiyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud ee nabadaynta dhinacyada Qorilay iyo Magaclay ayaa u muuqata mid ay ka biya-diidsan yihiin ergada ka socota gobolka Nugaal, iyadoo lagu qaban lahaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ugu dambeyn, kulankan ay isugu yimaadeen madax-dhaqanka ayaa ah kii ugu horreeyay mudo laga joogo afar sannadood oo ay kasoo wareegtay shirkii Khaatumo ee lagu qabtay dagmada Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, gobolka Sool