SAWIRRO: Ganacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika oo kasoo Kabanaya Boob loo Geystay
Sabti, Oktoobar 17, 2015 (HOL) — Deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika ayaa oo ah isku raran ay ku nool yihiin malaayiin ruux ayaa bartahamhii sannadkan waxaa ka dhacay rabashado xoogan oo ajaanibta lala beegsaday, rabshadahaas oo dhaliyay khasraaro nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaaray dadka ajnabi ah oo ganacsiyo kala duwan ku haysta deegaankaas.
Rabshadahaas ayaa lagu boobay in ka badan 300 oo dukaan, kuwaasoo 80 ka mid ah ay ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, balse ganacsada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabigaah ayaa haatan u muuqda kuwa kasoo kabanaya khasarahii kasoo gaaray weerraradii ajnabi-nacaybka ahaa ee dhacay sannadkan.
Ganacsatada ayaa waxay dib u furteen dukaamadoodii, inakstoo weli ay xiran yihiin tiro yar oo dukaamo ah, iyadoo dadka wax ka iibanaya dukaamadaas ay istaagayaan shabaq ku xiran albaabka, halkaasoo ay wixii ay ka dalbanayaan albaabada ay doonayaan inay iibsadaan.
Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee deegaanka Soweto ku nool oo aan la sheekeeystay ayaa waxay ii sheegeen in xaalkooda uu xilligaan yahay mid deggen, isla markaana ganacsigooda uu u kala socda, balse mararka qaar ay weerarro kala kulmaan burcadda dhac u geysta kuwasoo mararka qaar toogta ciddii ka hortimadda oo u diidda inay ganacsigooda boobaan.
"Xilliga habeenkii dukaamada albaabbada ayaan u laaban daaqad yar oo shaqab ah ayaa ka caawinnaadDadka kalyatiga ah ee xaafada deggen sababto ah waxaa habeenkii wareega kooxo burcad ah oo hubeysan oo dukaamaha dhaca, sidaas darteed annagoo ilaalineyna hantideenna iyo nafteena ayaan go’aansay inaan fiidkiiba albaabka kore xirno illaa 9:00 habeennimo ayaan caawinaa dadka kadibna waan xirnaa oo qol aan jiifanno ayaa dukaanka noogu dhax yaala,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada dukaanada ku leh Soweto.
Ugu dambeyn, dalka Koonfur afrika oo ay kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed ah ku nool ayaa intooda badan waxay ka xamaashaan oo ganacsiyo yar-yar ay ku leeyihiin deegaannada isku raranka ah.
Cumar Muxumed Maxamed (Kiyoow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika