10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2015
SAWIRRO: Arday la baray Mihnadaha Saxaafada oo Maanta la Guddoonsiiyay Shahaadooyin


Arbaco, November 04, 2015 (HOL) — Muqdisho ayaa maanta waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 40-arday oo bartay mihnadaha kala duwan ee saxaafadda, iyadoo ardaydan ay ahaayeen laba dufcadood oo laba bilood, iyadoo dufcad walba ay muddo 30-maalmood ah tababar ku qaadanayeen Muqdisho.

Xafladda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay ardaydaan ayaa waxaa goob-joogayaal ka ahaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somalia, C/llaahi Colaad Rooble, xubno ka socday warbaahinta, madaxda ururka NUSOJ iyo xubno ka socday haya’dda Relief International.

Tababarkan ayaa dhaqaalaha ku baxay waxaa bixisay hay’adda Midowga Yurub; iyadoo tababarkan ay fuliyeen NUSOJ iyo Relief International, iyadoo sidoo kale ay tababbarka bixinayeen saddex macallin oo Soomaali ah.

Ardaydan ayaa la baray, habka loo isticmaalo kaamirooyinka kala duwan, habka qoraalka iyo baarista saxaafaddan, waxayna ardaydan mihnadaha saxaafada la baray ay isugu jireen wiilal iyo gabadho.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka qayb-galay oo hadallo kala duwan ka jeediyay halkaas, iyagoo kula dardaarmay ardayda in wixii ay barteen ay ku shaqeeyaan, isla markaana ay suxufiyiinta kale ee aan fursadda u helin tababarka ay iyagana uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.

“Waxaa ardaydan dhalliniyarada ah la baray habkii ay bulshada Soomaaliyeed ugu gudbin karaan warbixinnada kala duwan ee dalka & dibadda ka dhaca,” ayuu xafladda ka sheegay madaxa howgalka hay’ada Ralief International, Xasan C/qaadir Ciise.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa u mahad-celinayay dhammaan ha’yadihiii gacanta ka geystay in tababarkan uu qab-soomo, isagoo u mahad-naqay Jaamacadda Muqdisho oo uu sheegay inay bixisay goobta lagu tababarayay ardaydan.

“Cilmigu halkaan kuma dhama, wuxuuna u baahan yahay inaad mar walba sare u qaadaan, si aad ugu faa’iideysaan bulshada Soomaaliyeed, idinkoo wixii aad halkan ka barateen ugu shaqeynaya dhanka wanaagsan,” ayuu Ibraahim ka yiri munaasadda.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta Somalia, Colaad oo isagana hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Warfaafintu ay hubin doonto habka hay’adaha ay suxufiyiinta u tababaraan, si suxufiyiin ka dhisan dhan walba loo helo.

Ugu dambeyn, ardaydii tababarka la siiyay ayaa waxaa xafladda lagu qabtay Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaadooyin caddeynaya mihnadihii kala duwanaa ee saxaafadda oo ay baranayeen muddadii labada bilood ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya