4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
Maamulka Khaatumo oo ku baaqay in si dhaqso ah lagu soo Afjaro Colaadda ka taagan Gaalkacyo


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa dhankooda ku soo biiray baaqyada lagu dalbanayo in colaadda ka taagan Gaalkacyo lasoo af-jaro, iyadoo Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali uu ku baaqay in la xalliyo colaadda Gaalkacyo.

Sidoo kale, baaqyo kuwan la mid ah ayaa waxay ka imaanayaan gobolka Sool iyo degmada Buuhoole, kuwaasoo lagu dalbanayo in colaadaha Gaalkacyo ka taagan dhaqso lagu soo af-jaro, lana xalliyo khilaafkii sababay dagaalladii dhexmaray Galmudug iyo Puntland.

"Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug waxaan leeyahay mas’uuliyad ayaa idinka saaran shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacayo, mana habboona inaad ku khamaartaan dhiiggooda, waxaana ku talinayaa in loosoo jeesto dhinaca wanaagga," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo oo ku sugan deegaanka Ballicad oo galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay qayb ka qaadanayaan intii Awooddooda ah raadinta xal laga gaaro colaadda khasaaraha badan dhaliyay ee maamullada Puntland & Galmudug ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood ayuu ku sheegay inaanay ahayn wax la sii eegan karo dhibaatadii ka dhacaysa magaalada Gaalkacayo, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay si deg-deg ah u gaaraan xabad-joojin.

“Colaadda Gaalkacyo ka taagan waa in si deg-deg ah lagu xalliyo, sidoo kalena madaxda-dhaqanka ay fadhiga ka kacaan oo isugu tagaan sidii ay u soo afjari lahaayeen aafadda ka taagan Gaalkacyo,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Ugu dambeyn, waxaa degmada Xuddun ee gobolka Sool ku qabtay shir jaraa’id Cuqaal iyo waxgarad, kuwaasoo maamulada Galmudug & Puntland ugu baaqay inay joojiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya, loona soo sidii loo wada-hadli lahaa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Seynab@hiiraan.com
Laascaanood, Gobolka Sool