4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
SHEEKH SHARIIF: Waa in dagaallada Gaalkacyo la joojiyo - Dowladuna ay Doorkeeda ka Qaadato


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh  Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay colaadda ka taagan Gaalkacyo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaaladaas, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan dagaalka, ayna nabad ku xalliyaan khilaafaadyada u dhexeeya.

Sh. Shariif ayaa sheegay in maanta ay ahayd in laga qoomameeyo wixii shalay dhacay, isla markaana aan dagaal cusub oo macno-darro ah uusan ka dhicin guud ahaan Soomaaliya.

“Dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo waa kuwo macno-darro ah; waana wax laga xumaado in dad Soomaaliyeed ay ku dhintaan, kuwo ay ku barakacaan; kuwo kalena dhaawacyo kasoo gaaraan. Waxaa codsanayaa in dagaalladaas la joojiyo, maanta ma ahayn in dagaallo cusub ay dalka ka dhacaan, balse waxay ahayd in dhibaatooyinkii colaadaha ee la soo maray laga laga qoomameeyo. Waxaan leenahay waa in lala dagaallmo nafta iyo sheydaanka oo aan la hurin colaado dambe; shacabka Gaalkacyo ku noolna waa inay si nabad-galyo ah kuwada noolaadaan,” ayuu yiri Sh. Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Somalia inay doorkeeda qaadato, isla markaana la joojiyo dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaysan habboonayn in dagaallo ay xilligan dhacaan, dadkana ay sii barakacaan, isagoo xusay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay madaxda taasoo Aakhiro iyo weliba Adduunka lagula xisaabtamayo.

“Waxaan ku leeayahay dowladda federaalka Somalia - waajibaadka idin saaran waa inaand isku keentaan shacabka iyo dagaallada la joojiyo, waayo waajibaadyada dowladaha saaran waa inay shacabka is-jecleyaan, nabaddoodana ka shaqeyso, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka - nabad la’aan waxba ma imaan karaan,” ayuu Sh. Sharifi hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, hadalka madaxweynihii hore ee Somalia ayaa imaanaya xilli ay dowladda federaalka Somalia dadaal ugu jirta sidii loosoo afjari lahaa colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, taasoo sababtay khasaare nafeed iyo mid maal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya