4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
FAAHFAAHIN: Heshiis Is-af-garad oo Gaalkacyo lagu gaaray iyo Maxaabiis lagu wareejiyay RW-ha


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallada uu hormuudka ka yahay RW Somalia Cumar C/rashiid ee Gaalkacyo ka socda, kuwaasoo lagu dhex-dhexaadinayo maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan ay iska-horimaadyo ku dhexmareen magaaladaas.

RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Puntland, iyadoo maxaabiistan oo uu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.

Shir jaraa'd oo Gaalkacyo ay ku qabteen madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed iyo RW Sharma’arke ayaa waxay ku sheegeen inay isla meel-dhigeen afar qodob oo xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo lagu xallinayo.

“Mas’uuliyiinta ka socda dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada Gaalkacyo u yimid xallinta colaadda ka taagan waan u mahad-celinaynaa; marka labaadna waxaan aqbalnay 4-qodob oo ay xubnahan noosoo jeediyeen, kuwaasoo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo,” ayuu yiri Guuleed.

Guuleed oo sii hadlayay ayaa sharraxay afarta qodob ee loosoo jeediyay oo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo ka taagan, kuwaasoo uu xusay inay dhankooda ku aqbaleen si shuruud la’aanta ah; waxayna kala yihiin afarta qodob;

1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo
2. In Ciidamada is-hor-fadhiya la kala Qaado
3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo
4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Soomalia.

“Waxaan ra'iisul wasaaraha Somalia ku sharafnay inaan ku wareejinno sagaal ruux oo ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo; kuwaasoo intii aan haynay aan si wanaagsan ula dhaqannay, innagoo u arkaynay inay yihiin dad walaalaheen ah,” ayuu intaas ku daray madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana sheegay inay ka go’an tahay in xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo xal-waara laga gaara, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay maxaabiista uu madaxweynaha Galmudug ku wareejiyay iyo sida ay u aqbaleen qodobadii ay soo jeediyeen si loo xalliyo colaadda ka jirta Gaalkacyo.

“Waxaan ku faraxasan-nahay in afartii qodob ee aan soo jeedinnay ay madaxda Galmudug nala qaateen; weliba waxaan kusii adkeynayaa in colaada la joojiyo iyo in labada dhinacba ay isku waqti ku baaqaan nabad, ayna yiraahdaan wixii maanta ka dambeeya colaadi kama dhacayso magaaladan,” ayuu RW Sharma’arke ka yiri shirka jaraa’id.

RW Somalia ayaa intaas ku daray in fulinta qodobbadan ay billaabi doonaan mar Alle iyo markii dhinacyadu ay ku dhawaaqaan baaqyadooda nabadeed, isagoo ku daray intaas inuu kaga mahad-celinayo madaxweynaha maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo ee ka soo jeeday Puntland oo tiradoodu ahayd sagaal askari.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isla maanta soo gaaray Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland, balse lama wixii kasoo baxay kulammadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya