4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
SAWIRRO: Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Istanbuul oo Doortay Guddoomiye Cusub


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Xaflad lagu dooranayay gudoomiyaha ardayda wax-ka-barta magaalada magaalada İstanbuul ee dalka Turkiga ayaa ka dhacday magaaladaas, iyadoo ay ka qaybgaleen doorashadan mas'uuliyiin kala duwan.

Ma’suuliyiin ka qaybgalay doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa; Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir, mas’uuliyiin ka socday safaaradda Somalia ee Turkiga, mas’uuliyiin ka socda dowladda Turkiga, arday ka kala timid inta badan magaalooyinka dalka Turkiga.

Khudbad uu xeer-ilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu ardayda ku boorriyay inay doortaan hogaankii ay u arkaan inuu mudan yahay, kana soo bixi karo waajibaadka loo ig-maday; sido kale wuxuu ardayda ku boorriyay inay ku dadaalaan waxbarashada iyo midnimada, kuna xisabtamaan inay yihiin jiilka uu dalku ku tashanayo berri.

Sidoo kale, waxaa khudbad ka jeediyay goobta doorashada guddoomiya golaha shuurada ururka guud ee Midowga ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta Turkiga, C/casis Caaqil Xasan oo isgana ardayda ku bogaadiyay doorashadooda, isagoo xusay inay mudan yihiin in lagu daydo.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda khudbado kala duwan ka jeediyay musharraxiinta xilka ku tartamayay oo kala ahaa; Inj. Ibraahim Axmed Shire, Maxamud Saciid Aadan iyo Abshir Yacquub Cusmaan, kadibna waxaa loo dareeray cod-bixinti iyo sanduuqa doorashada oo ay qof walba si xor ah codkeeda u dhiibatay.

Doorashada guddoomiyaha ardayda wax-ka-barta Istanbuul ayaa waxaa ku guuleystay, Inj. Ibrahim Axmed Shire oo helay 71-cod, halka labadii musharrax ee la tar-tamayna ay kala heleen 55-cod iyo 41-cod; sidaa darteedna ay guusha ku raacday Inj. Ibrahim Axmed Shire oo noqday guddoomiyada cusub ee ardayda Soomaaliyeed Istanbuul wax-ka-barta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya