4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
KENYA: Ciidammo dheeraad ah ayaanu u dirnay Xuduuda si Al-shabaab ay ula Dagaallamaan


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto Somalia u dirtay ciidammo dheeraad ah, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro ah ka wadeen xadka toddobaadyadii u dambeeyay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag ka tirsan Al-shabaab oo u socda kooxo-kooxo ay toddobaadyadii u dambeeyay dhibaatooyin ka wadeen deegaannada gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale, xiriiriyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay inay adag tahay in amniga deegaanka la sugo, iyagoo sabab uga dhigay roobab da’aya iyo waddooyinka oo xun, balse ay ciidammo badan xadka loo diray.

“Waxaan xitaan isticmaali doonnaa ciidammo gaar ah si amaanka loo adkeeyo,” ayuu yiri Maxamuud Saalax oo intaas ku daray. “Al-shabaab waxay mararka qaarkood weerarro ku qaadaan ciidamada AMISOM ee gudaha Somalia ku sugan, waxaana maalmihii aan kasoo gudubnay lagu arkayay soohinta.”

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii shacabka deegaannada Konton iyo Bariga Wajeer ay sheegay inay soo warareen 10-xubnood oo Al-shabaab ah; kuwaasoo weydiistay cunno iyo biyo.

Xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inay ka gudbeen xadka Somalia iyo Kenya oo ayna calankooda ka taageen deegaanno ka tirsan dalka Kenya, iyagoo dadka deegaanka ku waaniyay inaysan joogitaankooda u sheegin ciidanka Kenya, sidoo kalena gaadiidkooda aysan raacin.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan millateriga iyo booliiska la-dagaallama argagaxisada ee ATPU ay gaareen deegaannada ku dhow xadka Itoobiya iyo Kenya, si ay uga hortagaan tahriibinta dadka.

Ugu yaraan 1,000 oo Itoobiyaan ah ayay Kenya sheegtay in toddobaadkii lasoo dhaafay ku xigeen deegaanka Isiolo-Moyale ee gudaha dalka Kenya, kuwaasoo la xusay lagu sheegay inay ahaayeen dad tahriib ah oo laga keenay Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha ciidanka baarista deegaanka Isiolo, David Cheruiyot ayaa sheegay Isniintii toddobaadkii hore, inay xireen 113-qof oo Itoobiyaan ah oo uu sheegay inay si sharci-darro ah kusoo galeen Kenya, haatanna ay ku xiran yihiin xabsiga Isiolo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya