4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
Maxkamad Dhallinyaro Yuhuud ah ku Heshay dilka wiil Falastiini ah oo lagu Gubay Nolosha


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Jerusalem ayaa ku heshay laba ruux oo Israa’iiliyiin ah dambi la xiriira dilka wiil 16 jir ah oo Falastiini ahaa oo nolosha lagula gubay Bariga magaalada Jerusalem sannadkii 2014-kii.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa hakisay go’aanka ruux saddexaad oo ah 31-jir ah oo lagu magacaabo, Yosef Haim Ben David, kaddib markii gar-yaqaankiisa uu u soo gudbiyay maxkamadda daqiiqaddii ugu dambeysay go’aan cusub oo uu ku difaacayo.

Labada dhallinyarada ah ee dambiga lagu helay ayaa la filayaa in xukunno lagu rido bisha Jannaayo ee sannadka soo socda. Inkastoo aan la ogeyn xukunkooda wuxuu noqon doono.

Wiilka Falastiiniga ah oo nolosha lagu gubay oo lagu magacaabi jiray Abu-Khdeir ayaa la afduubtay, kadibna la gubay, iyadoo looga aar-gudanayay afduubka iyo dilka saddex ruux Israa’iiliyiin ahaa. Aabbihiis ayaa cambaareeyay xukunka maanta.

Ugu dambeyn, dilka wiilkaan 16-ka ahaa  ayaa qayb ka ahaa weerarro Markinka Gaza ka dhacayay 50 maalmood oo xiriir ah, kuwaasoo ay ku geeriyoodeen tiro ka badan 2,200 oo qof oo badankood ahaa Falastiiniyiin.

Si kasta ha ahaatee, dilalka loo geystay shacabka Falastiinta ah ayaa aad u soo badanayay sannadihii u dambeeyay, iyadoo dilalkan intooda badan ay geystaan ciidamada Yuhuudda oo ku bartilmaameedsada Marinka Gaza iyo magaalada Jerusalem ama Quddus..

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya