4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
RW Somalia oo Waan-waan Nabadeed ka wada maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay maalmihii u dambeeyay ka jiray xiisad colaadeed oo u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa maanta ka socda waan-waan nabadeed oo RW Somalia, Cumar C/rashiid uu hormuud ka yahay.

RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxay saaka la kulmeen waxgaradka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, iyadoo Gaalkacyo ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in lagu wado in saacadaha soo fool leh uu soo gaaro magaaladaas madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isla maanta la filayo inuu kulan la qaato madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wadahadalladan iyo waan-waanta socota ayaa waxay ujeeddadoodu tahay sidii lagu xallin lahaa xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland oo magaaladaas ay ku dhexmareen dagaallo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba sababay.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta deggen, iyadoo weli ay ciidankii dagaallamay ee labada dhinac ay isku-hor-fadhiyaan qaybo magaaladaas ka mid ah, inkastoo aysan jirin xabbad dhacaysa maanta.

Dhanka kale, RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa wuxuu sheegay shalay inay ku sugnaan doonaan Gaalkacyo inta laga xallinayo xiisadda ka taagan oo sabab u noqotay inay ka barakacaan inta badan shacabkii ku noolaa degmadaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Waan-waanta nabadeed ee Gaalkacyo ka socota waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya