4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2015
Dowladda Kenya oo amartay in la xiro nin dalka Britain u dhashay oo lagu tuhmay Al-shabaab


Isniin, November 30, 2015 (HOL) — Taliska sare ee booliska Kenya, ayaa bixiyay amarkii lagu soo xiri lahaa nin haysto dhalashada dalka Britain oo lagu magacaabo Maalik Yaasin, laguna tuhuumay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab isla markaasna uu qaab dhumasho ah la sheegay inuu ku soo galay Kenya.

Booliska, ayaa sidoo kale ka codsi shacabka iney feejignaan sameeyaan ayna war-galiyaan ciidamada amniga, haddii ay arkaan ninkaas oo lagu eedeyay in uu ka mid yahay xoogagga shisheeye ee ka barbar dagaalamo Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo bandhigtay Sawirka eedeysanaha oo ay ku lifaaqneyd warbixin yar oo tilmaam guud ka bixineysay tuhmanahan oo muuqaalkiisa loo bandhigay Shacabka Kenya si ay fikrad guud oga qaataan.

Maalik Yaasin, ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay dagaal-yahanada ka soo jeedo Britain ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto, laakin dowladda Kenya ma aysan sheegin sababta uu dalkeeda u yimid iyo waliba waxyaabaha uu damacsan yahay.

Illaa 20-qof, ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan dhawaanahaan loogu xiray Kenya, kuwaasoo qaarkood lagu eedeyay iney basaasiin u ahaayeen Iiraan oo ay u fududeynayaan weeraro ay damacsan tahay iney la beegsato muwaadiniin reer galbeed oo Kenya ku sugan.

Hallkan ka Daawo: Qoyska Abubakar Sadiq Lou oo diiday eedeynta loosoo jeediyay;

Sannad ka hor ayay ahayd markii booliska dalka Kenya ay xireen labo nin oo Iraaniyiin ah, kuwaasoo la sheegay inay iska dhigayeen ganacsato dooneysay inay Kenya maal-gashi ku sameeyaan, balse haystay Hub sharci daro ah.

Taliyaha guud ee Ciidamada Bilayska Kenya Joseph Boinnet, ayaa maalin ka hor cadeeyay in labo qof oo Keenyaan ah loo xiray eedeymo ku saabsan iney Jaajuusiin u ahaayeen Sir-doonka wadanka Iiraan, ayna kala shaqeynayeen sidii ay danahooda oga fushan lahaayeen Kenya.

Dhanka kale, Noshiin oo ah gabar uu dhalay Abubakar Lou oo ka mid ah eedeysanayaasha loo xiray iney jaajuusiin u ahaayeen dowladda Iraan, ayaa diiday eedeynta loo soo jeediyay Aabaheed oo da’diisa lagu sheegay 69 sano jir.

Xukuumadda Kenya ayaa horay waxaa oga dhacay weerarro khasaaro badan geystay oo la sheegay qaarkood inay fuliyeen Ajaanib haysto dhalashooyin kala duwan. Waxaana ka mid ahaa weeraradii lagu qaaday Jaamacada Magaalada Gaarisa iyo Xaruntii Ganacsiga ee Westgate.

Sidoo kale 17-kii bishii Juun  sannadkaan ayey aheyd markii ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ay dileen Thomas Evans oo ahaa nin u dhashay dalka Britain, kana tirsanaa dagaal-yahanada Al Shabaab, kaddib markii ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Milatariga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Baure ee ka tirsan ismaamulka Laamu ee gobalka xeebta Kenya. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya