4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
SAWIRO: Kulan Caawa ku dhexmaray Koonfurta Gaalkacyo Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo madaxwaynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed. Kaasoo ay uga wada-hadleen daminta colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisa uu had iyo jeer diyaar u yahay ka qayb-qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyay madaxda Galmudug ay dhankooda u aqbaleen in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo is-qancin.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug C/kariin xuseen Guuleed ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo mas'uuliyiintii la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in Galmudug ay ka go’an tahay in wax walba oo lagu dhameeyo iyo wadahadal.

Ugu dambeyn, Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta deggenayd; kaddib dagaal ka dhacay shalay, kaasoo u dhexeeyay ciidammo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, sababayna dhimasho iyo dhaawac badan.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya