4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
RW Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo oo gellinkii dambe ee Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo


Axad, November 29, 2015 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro iyo xildhibaanno ayaa Gaalkacyo gaaray gellinkii dambe ee maanta, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sharma’arke oo soo dhaweynta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si deg-deg ah lagu soo afjari doono colaadda dhiiggu ku daatay ee Gaalkacyo ka dhacday dhawaan, wuxuuna xusay in maalinta barri ay kulan ku yeelan doonaan madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo dhinaca kale rajo ka muujiyay in colaadda si wada-hadal ah lagu dhameyn doono.

“Aad baan uga xumahay dagaalkii ka dhacay degmada Gaalkacyo maalmihii u dambeeyay, dagaalladaasna waxay wax yeello kasoo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul-dagaallamay. Waxaan Gaalkacyo u nimid inaan soo af-jarno colaadihii maalmahan socotay, halkaan waxaan dib uga noqonaynaa oo keliya markii ay nabaddu shaqayso oo ay shacabkii barakacay guryahoodii kusoo laabtaan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa degen, waxaana halkaas horay ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Odawaa iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed kuwaas oo kulammo kala duwan la qaatay dhinacyada ay xiisaddu u dhexeyso.

Ugu dambeyn, waxaa iyana maanta gaaray xarunta Puntland ee Garoowe madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo Sh. Axmed Madoobe uu sheegay in colaadda Gaalkacyo ay tahay in si dhaqso badan lagu soo afjaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya