4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Madaxweynayaasha Puntland iyo Gal-mudug oo la filayo inay Berri kulan ku yeeshaan Gaalkacyo


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo oo marka la eego la oran karo waa magaalo leh saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba ayaa dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay waxaa siweyn mar kaliya u dareemay siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo bilaabay dadaallo xoogan oo la doonayo in lagu joojiyo colaada magaalada Gaalkacyo.

Wafdi uu horkacayo ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali iyo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo wadda socda ayaa gaaray Gaalkacyo, si ay ugu biiraan dadaallada nabadeed ee socda si xal waara oo kama danbeys ah loogu hello khilaaf siyaasadeedka gacan ka hadalka sababay ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka dagay wafdi uu horkacayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo socdalkooda qeyb ka ah xoojinta nabada Gaalkacyo.

RW Sharma'arke oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in saacadaha soo socda laga sugayo magaalada Gaalkacyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo la filayo inay kawada hadlaan colaada iyo xurgufta siyaasadeed u dhaxeysa.

Inkastoo la filayo in labada madaxweyne ay ka wada-hadalaan khilaafka u dhaxeeya ayaa haddana waxaa muuqata in wali uu jro kala shaki labada dhinac ah, madaama ay saxaafada isku marinayaan erayo colaadeed oo la oran karo waan kuwo aan u faa'ideyneynin waan-waanta socta.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa iyana baaq nabadeed ku biiriyay dadaallada nabadeed ee la waddo iyaga oo labada dhinac ugu baaqay in ay colaada nabad ku badallaan, kana wadda-hadallaan wixii khilaaf ah ee jira.

C/raxmaan Diini, HIiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya