4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Xafiiska Arrimaha bulshada Jaaliyada Somalida ee Talyaaniga oo laga furay Palermo (SAWIRRO)


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 28-ka November, 2015-ka, laga furay magaalada Palermo ee Dalka Talyaaniga xafiiska Arrimaha Bulshada iyo dhaqanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka  Talyaaniga ku nool.

Abaabulka iyo diyaarinta xafiiskan ayaa waxaa iska kaashaday akadeemiyada caalamiga ah ee Giuseppe Pitre’, guddomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Talyaaniga, kana tirsan mas’uuliyiinta safaarada Somalia ay ku leedahay dalka Talyaaniga, Dr. Cismaan Maxamed Gacal, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) iyo xubno kale.

Munaasabaddii furitaanka xafiiskan oo lagu qabtay magaalada Palermo ayaa waxaa kasoo qayb-galay; xildhibaan Cismaan Dufle guddoomiyaha akadeemiyada Giuseppe Pitre’, Prof. Giovanni Gianpino, guddomiye ku-xigeenka akadeemiyada, guddoomiya jaaliyada ku nool magaalada Palermo ee Somalida ah, Daahir Maxamed Xasan, Dr.  Maxamed Cabdi Axmed oo ah xiriiriyaha xafiiskan iyo akadeemiyada Giuseppe Pitre’ iyo mas uuliiyiin kale.

Prof. Cismaan Dufle oo ka hadlay munaasabadii furitaanka xafiiska ayaa u mahad-celiyay mas’uuliyiinta akadeemiyada Giuseppe Pitre oo gacan ka geystay furitaanka xafiiskaan, wuxuuna intaas ku daray in ujeeddada furitaanka xafiiskan ay tahay sidii wax loogu qaban lahaa loona maareyn lahaa baahida shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo sharci ee Somalida ku sugan magaalada Palermo ee gobolka Sicilia.

“Waxaan aad u rajeynayaa in xafiiskan uu wax badan ka qabanayo waaajibaadka adag ee loo xil-saaray, waxaana diyaar u nahay dhamamanteen inaaan gacan ku siino howshaas,” ayuu yiri Prof. Dufle.  

Sidoo kale, waxaa xafladdaas ka hadlay guddomiyaha akadeemiyada Giuseppe Pitre’, Prof. Gianpino oo sheegay in uu ku faraxsan yahay furitaanka xafiiskaan, uuna rajeynayo in uu dabooli doono baahida bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Palermo.

“Akadeemiyada Giuseppe Pitre kaliya kuma koobnaan doonto gacantii ay ka geysatay furitaanka xafiiskan; waxaana balan-qaadaynaa inaan garab taagan nahay mar walba, sidoo kalena aanu siin doonno taageero hiil iyo hooba leh si waajibaadkiisa uu u gudan lahaa,” ayuu yiri Prof. Giovanni Gianpino.

Dhanka kale, Prof. Giro oo ah guddomiye ku-xigeenka akadeemiyada ayaa isagana xusay inuu soo dhaweynayo tallaabada lagu furay xafiiskaan, isagoo yiri. “Waxaa muhiin ah in bulshada dhibaatooyinka ugu soo haajiray wadamadooda in wax loo qabo oo la caawiyo si ay u helaan fursado shaqo oo ay ku gaaraan nolol aad uga wanaagsan tan ay hadda ku nool yihiin,” ayuu yiri Prof. Giro oo u mahadceliyay guddomiyaha guddiga adeegga bulshada ee baarlamaanka federaalka Somalia doorka weyn ee uu ka qaatay dhiirri-gelinta furitaanka xafiiskan.

Ugu dambeyn, guddomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee magaalada Palermo oo isaguna xaflada ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay akadeemiyada Giuseppe Pitre’  iyo Prof. Dufle, kaalinta ay ka qaateen furitaanka xafiiskan oo uu sheegay inuu wax weyn ka qaban-doono baahida ay qabto Jaaliyadda ku dhaqan magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, waxaana munaasabaddaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya