4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Guddigii loo saaray xaqiijinta eedaha kooxda QM ee Somalia iyo Eritrea oo soo saaray Warbixin


Axad, November 29, 2015 (HOL) —Iyadoo RW Somalia Cumar C/rashiid Cali uu u saaray 04-tii Sebtember, 2015-ka u magacaabay guddi madax-banaan oo ka kooban shan xubnood inay baaritaan iyo hubin ku sameeyaan eedaymaha ay kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eritrea ee QM u soo jeediyeen wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Somalia.

Kooxda QM ee la socodka cuno-qabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxay ku sheegeen warbixintooda inay wasaaradda si qaldan u maamushay heshiiska ku saabsanaa tayeynta shaqaalaha (Capacity Building Agreement) ee ay la gashay shirkadda SOMA Oil & Gas, bishii Abriil sannadkii 2014-kii.

Hadaba, guddiga RW Soomaaliya uu u magacaabay baaritaanka warbixintaas ayna kasoo saaraan warbixin ku saleysan wixii ay kala kulmaan baarista iyo inay ka soo talo-bixiyaan; ayaa guddigu wuxuu sameeyay baaris qoto-dheer oo ay qayb ka ahayd inay wareystaan dadkii laga shaqaaleysiiyay heshiiska mashruucii tayeynta wasaarada, waxayna soo saareen warbixin ka hadlaysa dhammaan wixii ay la kulmeen.

Guddigu waxay warbixintooda ku sheegeen in marka laga hadlayo arrimaha shidaalka inay caadi tahay in shirkadaha caalamiga bixiyaan taakuleyn tayeynta shaqaalaha. Guddigu ma helin wax caddeynaya in wasaaraddu ay wax kaga badelatay shirkada SOMA OIL & GAS heshiiskaas.

Intaa waxaa sii dheer inay guddigu ogaadeen in wasaaradda si wanaagsan oo daacadnimo leh u dalbatay mashruuca tayeynta; iyadoo aysan jirin wax naas-nuujin ah oo shirkadda SOMA OIL & GAS la siiyay.

Ujeeddada wasaaraddu waxay ahayd inay u hesho lacag si ay u hesho khubaro ku habboon oo ka shaqeeya howlaha muhiimka ah ama u sii haysato khubaradii horey ugu joogay.

Sidoo kale, guddiga ma helin wax caddeynaya in wasaaraddu ay dib u eegis ku sameysay heshiiska wadaagga soo saarka (Production Sharing Agreement) taasoo loogu naxaariisa-nayo shirkadda, wasaaradda hadda ayay waddaa diyaarinta heshiiska wadaaga soo-saarka iyo shuruucda kale ee hagaysa shidaalka.

Marka la eego u ogolaanshaha SOMA inay balaariso aagga sahanka, guddigu wuxuu helay in arintan aanay ku jirin heshiiskii hore sidoo kale guddiga ma helin wax cadaynaya isku dayga balaadhinta la sheegay.

Guddigu wuxuu dib u eegis ku sameeyey eedaynta ku aaddan qolka keydinta xogta jooliji-yadeed (Data Room); iyagoo ogaaday inuu socdo dhismaha loogu talo-galay qolka xogta lagu kaydiyo; isla markaana dhaqaalaha ay shirkadda SOMA ku bixisay uu ku jiro xisaabta wasaaradda.

Dhanka kale, Guddigani waxay ku taliyeen in la da-dajiyo qaabeeyaha sharciyeed (legal framework) iyo ku dhaqanka sharciga shidaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo dhisidda shirkadda shidaalka Somalia (Somali Petroleum Corporatoion), dhameystirka heshiiska soo-saar wadaagga (Production Sharing Agreement), howl-gelinta hay’adda nidaaminta shidaalka (Somali Petroleum Authority), dhameystirka heshiiska wadaagga dakhliga khey-raadka dabiiciga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Somalia iyo maamulad xubnaha ka ah federaalka.

Ugu dambeyn, wasaaradda batroolka iyo Macdanta Somalia, waxay si buuxda u aqbashay waxyaabaha u soo baxay guddiga, iyadoo diyaar u tahay inay ka hawl-gasho fulinta talo-soo-jeedinta kusoo baxday warbixinta guddiga madaxa-bannaan ee baarista. Wasaaraddu waxay u diyaarsan tahay inay u gudato howlaheeda si xil-kasnimo iyo isla-xisaabtan ku dhisan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya