4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
SAWIRRO: Kulan loogu Baroor-diiqay Marxuum Axmed Xasan Cawke oo lagu Qabtay Netherlands


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Munaasabad loogu baroor-diiqayay AUN marxuum Axmed Xasan Cowke ayaa xalay lagu qabtay magaalada Denhaag ee waddanka Holland, kulankaas oo ay ka qaybgaleen dad fara badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladda FS xilal kasoo qabtay.

Sayid Cali Caseyr oo ku hadlayay magaca Hayaan Media oo soo qaban-qaabisay kulankan ayaa u mahad-celiyay dadkii xuska kasoo qaybgalay, isagoo tilmaamay in kulanka ay ugu magac-dareen xuska iyo xusuusta marxuum Cowke ay tahay mid ka tarjumayso taariikhda aan tirmeyn ee Marxuumku ku leeyahay quluubta ummadda Soomaaliyeed.

“AUN Cawke wuxuu ahaa ruux waddani ah oo ay Soomaalinimadu ku weyn tahay; ruuxa uu ahaaba waxaa ka marqaati kacay ummadda Soomaaliyeed oo Adduunka meel walba uga soo duceeyay; qofka muslimka ah ee geeridiisa ay intaasoo ummad ahi isugu timid ALLE wuu inoo sheegay inuu Ahlu-janno yahay; waxaana ALLE uga baryaynaa inuu Jannaadiisa ka waraabiyo,” ayuu yiri Sayid Cali.

Sidoo kale, Najiib Cismaan Maxamed (Dheereeye) oo lambar 9-aad u qaadan jiray naadigii kubadda cagta ee Waqooyi-galbeed Somalia intii u dhexeysay 1979-1987 oo kulanka hadal kajeediyay ayaa ka warbixiyay taariikhdii iyo waayihii ay soo wada-qaateen AUN Cawke, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi ALLE hibo u siiyay hal-abuurka iyo suugaanta.

“Magaca illaa maanta aan wato ee -Dheereeye- marxuumka ayaa ii bixiyay, wuxuuna ahaa shaqsi af-tahan ah oo ALLE uu hibo u siiyey mihnadii uu ku shaqeynayay ee saxaafadda,” ayuu yiri Dheereeye.

Waxaa iska kulanka ka hadlay Cali Max'ed Xalane (Cali Xaraash) oo ka mid ahaa dadkii ay isku xilliga ahaayeen AUN marxuum Cawke, xiriir joogta ah ay wada-lahaayeen, isagoo ka sheekeeyay qayb ka mid ah taariikhda marxuumka, wuxuuna xusay in sifyooyinka lagu garto qofka wanaagsan ay ka mid tahay inay mushtamaca uu qofkaasi kasoo dhex-baxay ay ka marqaati kaca wanaaggiisa.

Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyay Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo isagana ka hadlay xafladda ayaa ka sheekeeyay aqoontii uu marxuumka u lahaa Cawke, wuxuu xusay inuu ku xusuusto hal-hayskii uu caanka ku ahaa xilligii uu tabin jiray sanadihii 80-maadkii barnaamijkii Isboortiga iyo Imaqashii i madadaali.

“Cawke wuxuu ka tagay dhaxal iyo taariikh aan tirmeyn oo lagu xusuusan doono; ma qabo in la heli karo dad kartidii, hal-abuurkii iyo hibadii uu lahaa oo kale la iman kara, waxaanse rajeynayaa in la helo jiil badan oo uu u noqdo sifo ay ku daydaan,” ayuu yiri Ameeriko oo tacsi u diray xaaskii iyo weliba caruurtii uu ka tagay marxuum Cawke.

Zahro Naaleeye oo ka tirsan madaxda FSAN ayaa ka mid ahayd dadkii ka hadlay kulanka, iyadoo tiri. “Soomaaliya waxaa ka tagay shaqsi muhiim ah – ALLE baase naga jeclaaday, waxaan kula dardaarmayaa bahda saxaafada & cid walba oo ay u fududahay in marxuumka taariikhdiisa iyo wuxuu soo qabtay in qalinka loo qaato, taas waxaan kaga gol-leeyahay in jiilka dambe ay taariikhdiisa bartaan; ma ahan Cowke suxufi oo keliya, balse wuxuu ahaa waddani waddankiisa u soo halgamay.”

Ugu dambeyn, Xamza Xuseen (Ha noolaato) oo ka tirsan xisbiga TAYO faraciisa Holland, ayaa iyadana sheegtay inay marxuumka soo wada-shaqeeyeen, ayna markhaati ka tahay inuu ahaa Somali xalaal ah oo isagoo kale in maanta Soamli lagu dhex arkaa ay dhif iyo naadir tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya