4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Wasiirka Maaliyada iyo wafdi balaaran oo Gaaray Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Wasiirka maaliyadda xukuumada Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somalia iyo madaxa adeegga mashariicda ee maalin-galinta gaarka ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer-gobol iyo degmo.

Wasiirka maaliyada ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay sidii uu xarigga uga jari lahaa mashaariic dhowr ah oo laga hir-galiyay magaalada, gaar ahaan dhismaha cusub ee xarunta maamulka gobolka kan degmada iyo hoolka shirarka oo dhismahooda la dhameystiray.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa siddoo kale sheegay in wixii hadda ka danbeeya si rasmi ah u furan yihiin labo suuq oo laga her-galiyay xaafaddaha Xaawo-Taako iyo Howl-wadaag, isaga oo sheegay in ujeedada mashaariicdan tahay in looga faa'ideeyo bulshada ku dhaqan gobolka.

''Waxaan leenahay dadka ku nool Beledweyne waa inaad ilaashataan mashaariicda maanta aynu xarigga ka jareyno, aadna ka faa'ideysataan,'' ayuu yiri wasiirka maaliyadda Somalia.

Guddoomiyaha Qurba-joogta reer Hiiraan Towane Sabriye oo bilihii ugu dambeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, ayaa marka hore dowladda federaalka uga mahad-celiyay mashaarciida iyo dhismayaasha quruxda badan oo ay ka hir-galisay magaalada, laakiinse wuxuu dhinaca kale xusay inay wali jiraan dhaliilo  bulshada ku dhaqan gobolka u hayaan dowladda dhexe.

Waxaa uu sheegay in magaalada Beledweyne fidsan tahay muddo ku dhaw siddeed bilood gogol dib-u-hishiis ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan inta badan beellaha dega gobolka, ballse ilaa iyo hadda wax door ah ku yeellan dowladda dhexe oo loo baahnaa in ay taageerto shirarkan noocan oo kale ah iyo wadda-hadalka bulsho.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha & federaalka Somalia Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa isna sheegay in dowladda gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha la socto arimaha shirka dib-u-hishiisiinta ah ee ka soconaya Beledweyne, slamarkaana sidda ugu dhaqsiyaha badan gacan uga geysan doonaan siddii ay u taageeri lahaayeen wixii farsamo ah ee shirka looga baahan yahay.

Mar uu dhinaca kale soo hadal qaaday dhismaha maamulka labada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayuu sheegay in cidda ugu danbeysan ee tallada dhismaha maamulka labada gobol iyo sida loo wajahayo ka go'do yihiin qeybaha bulshada oo loo baahan yahay in ay fikir ku yeeshaan,

Ugu dambeyn, munaasabad kooban oo lagu qabtay hoolka shirarka Beledweyne ayaa waxaa hishiis ku kala saxiixda guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Maxamed Ibraahim C/llaahi iyo wasiirka maaliyada, Max'ed Aadan Ibraahim,  kaa oo cadeynaya mashaariicda laga fuliyay magaalada iyo qorshaha mashaariic cusub oo dhawaan la filayo in la hir-galiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya