4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Maydka Duuliyihii Ruushka ahaa oo la Helay iyo Weerarro Cirka ah oo lagu Qaaday Suuriya


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay maanta inay heleen maydka duuliyihii Ruushanka ahaa ee ka mid ahaa labadii duuliye ee la socday diyaaraddii SU-24 ee dhawaan ay dowladda Turkigu kusoo riday meel ku dhow xadka ay la leeyihiin dalka Suuriya.

Sidoo kale, waxaa maanta duqeymo culus oo khasaare sababay ay lagu qaaday waddanka Suuriya, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo mucaaradka ka dagaalama dalkaas ay leeyihiin.

Howlwadeenno ka tirsan mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in duqeymahan lagu dilay 18-qof oo rayid ah, iyagoo xusay in duqeymahan oo ahaa ku xooggan ay geysteen diyaaradaha dagaalka Ruushka.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in duqeymahan ay ka dhaceen Ariha oo ka tirsan gobolka Idlib, iyadoo lasoo sheegayo in xoogag ka tirsan mucaaradka Suuriya ay ku naf-waayeen duqeyntaan. Waxaana magaaladaan gacanta ku haya xoogagga kasoo horjeeda xukuumadda Suuriya.

Dhanka kale, waxaa socda hadda diyaar-garow loogu jiro sidii Ruushka loogu wareejin lahaa meydka duuliyahooda. Iyadoo la sheegay in duuliyahan ay dileen fallaagada ka soo horjeeda Suuriya, kaddib markii uu ka booday diyaaradiisii oo Turkigu ay ku dhufteen gantaal.

Waxaa duuliyihii kale badbaadiyay ciidamada Suuriya; iyadoo ridista diyaaraddii uu lahaa Ruushku ay xiisad ka dhex abuurtay Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera garabyada isku haya dalka Suuriya.

Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ayay xukuumadda Ruushka ku dhawaaqday inay xayiraado dhaqaale oo aar-goosi ah kusoo rogayso dalka Turkiga, inkastoo Turkigu uu ka digay inay xayiraadahan xiisadda sii xumeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya