4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Pope Francis oo lugtii ugu dambeysay safarka uu ku marayo Afrika ku tagay Magaalada Bangui


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Madaxa kaniisada katooliga ee diinta maxiisiga Pope Francis ayaa maanta ka gaaray magaalada Bangui ee caasimada Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyadoo dalkaas uu yahay kii ugu dambeeyay safarrada uu Pope Francis ku marayo dalal ka mid ah kuwa Afrika.

Pope Francis ayaa xusay inay ka go'an tahay inuu u geeyo farriin nabadeed, waddankaasoo oo sannado ay ka aloosanaa colaado iyo dagaallo u dhexeeya muslimiinta iyo kirishtaanka kuwada nool dalkaas.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Pope Francis uu ku tago dal colaadi ka jirto; waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee dalkaas inta uu safarka ku joogayo Pope-ka; iyadoo dad fara badan ay kusoo dhaweeyeen magaalada Bagui madaxa katooligga diinta masiixiga.

Sidoo kale, magaalada Bangui ayuu Pope-ku kulamo kula yeelanayaan madaxda diimaha dalkaas, waxaana la filayaa inay dadweyne fara badan ka qayb-galaan kulankaan; isagoo booqanaya masaajid weyn oo ku yaal magaalada Bangui.

Madaxda Musliminta iyo Kirishtaanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxay sheegen in joogitaanka Pope Francis ay wax ka tarayso meel-marinta wada-hadallo iyo sidii loo dhimi lahaa qulqulatooyin ka hor doorashada bisha dambe ka dhici doonta waddankaas.

XIGASHO: BBC SOMALI