4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Maamulka Puntland oo xabsiga kasii daayay Wariye Jaamac Dabaraani oo 10-casho Xirnaa


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta sii daayay wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani oo muddo 10-maalmood ah xabsiga ku jiray, iyadoo sii daynta wariyahan ay ku timid dadaallo badan oo ay ku bixiyeen ururrada u dooda saxaafadda iyo kuwa xuquuqda aadanaha.

Wariye Jaamac Dabaraani oo ka tirsan Somali Channel Tv xafiiskiisa ku yaalla Garoowe ayaa waxaa la xiray 19-kii bishan, iyadoo xariggiisa loo cuskaday wareysi uu ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya oo ay Puntland qaybo ka mid ah qoonsatay.

Guddoomiyaha ururka warbaahinta Puntland MAP, Faysal Khaliif oo markii la sii daayay suxufiga hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sii-daynta wariye Jaamac Dabaraani, isagoo sheegay inay si gaar ah ugu mahad-celinayaan madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka aqbalay in la sii daayo wariye Dabaraani.

Sidoo kale, guddoomiyaha xafiiska xuquuqda aadanaha Puntland, Maxamed Yusuuf Cali oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xariga wariye Dabaraani wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci-darro ah, isagoo xusay in shuruucdii iyo qodobada dastuurka ee ilaalinta xuquuqda suxuufiga la hareer-maray, isagoo u mahadceliyay madaxweynaha Puntland, eedeynna u jeediyay golaha garsoorka Puntland.

Dhanka kale, Xog-hayaha guud ee Ururka Suxuiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo la hadlay HOL sii daynta wariyaha kaddib ayaa ku tilmaamay sii-daynta Jaamac Dabaraani tallaabo uu maamulka Puntland horay u qaaday, isla markaana ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda suxufiyiinta.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay sii-daynta wariye Jaamac Dabaraani oo 10-maalmood ku jiray xabsiga. Waxaana maamulka guud ee Puntland ka rajeynaynaa inay xorriyada hadalka iyo tan saxaafada ilaaliyaan, sida ku xusan dastuurka Puntland & kan dowladda federaalka Somalia,” ayuu Maxamed Ibraahim yiri.

Ugu dambeyn, Wariye Jaamac Dabaraani oo isna warbaahinta hadal kooban siiyay markii xabsiga dhexe ee Garoowe laga sii daayay ayaa si gaar ah mahad ugu celiyay dhammaan suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo si aad ah uga xumaaday xarrigiisa, dadaalna ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin sii daynta Wariye Jaamac Dabaraani, iyadoo Somalia lagu tilmaamo dalalka ugu khatarta badan ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya