4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Burcadbadeed Somali ah oo Maanta si Awood ah looga Furtay Doonni ay ku Haysteen AFDUUB


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Doonni nooca Kalluumeysiga ah oo Af-duub ay ku haysteen burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa maanta si xoog looga furtay, kaddib dagaal ay ku dhinteen toddoba ka mid ah burcadbadeedii doonnida haystay.

Warbixin rasmi ah lagama hayo xaaladda shaqaalihii doontaas, inkastoo howlgalka maanta lagu furtay doonidaas ay ku lug lahaayeen ciidamada caalamka ku sugan xeebaha Somalia, iyadoo aan la ogeyn in shaqaalihii doontaas lasoo furtay iyagana.

Sidoo kale, ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in doonidan laga lahaa Iiraan; taasoo kooxaha burcadbadeedda ahi ay afduub ku qabsadeen toddobaadkii hore, waxaana saarnaa 15-qof oo shaqaale ah, taasoo lagu haystay xeebaha deegaannada ku yaalla bartamaha Somalia.

“Waxaanu maqalnay rasaas culus oo la is-dhaafsanayo… tiro ka mid ah kooxihii burcad-badeedda ahaana waa la dilay…. Doonidii ay afduubka ku haysteenna waa la siiyay,” ayuu yiri Mukhtaar Yacquub oo ka mid ah kalluumeystada Xarardheere oo la hadlay saxaafadda, isagoo intaas ku daray in doontii ay haatan badweynta kasii muuqato.

Nabaddoon, C/llaahi Barre oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa isna yiri. “Weerarka waxaa lagu dilay todoba qof oo burcadbadeed ah, laba kalena si xun ayaa loo dhaawacay.” Isagoo intaa ku daray in laga yaabo inay tiradu intaas ka badan karto.

Bucadbadeedda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay afduubeen tiro 700 oo shaqaale ah ka badan, balse sannadihii u dambeeyay ayaa hoos loo dhigay af-duubyada ka dhaca xeebaha Somalia, kaddib howlgallo ay sameeyeen ciidammo caalami ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Laakiin, khuburo xeel-dheerayaal ayaa ka digay in haddii kalluumeysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeyuhu ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya aan wax laga qaban ay dib u soo celin karto dambiyadii ka dhici jiray badda oo ay ka mid yihiin afduubyada loo geysto maraakiibta ku safraha badaha Somalia iyo kuwa ku dhow.

Tiro shaqaale maraakiib ah ayaa weli gacanta ugu jira burcadbadeedda Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin 26-shaqaale ah oo lagu afduubay dooni magaceeda lagu sheegay NAHAM III, taasoo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2012-kii.

Dhanka kale, laba doomood oo noocoodu yahay kuwa kalluumeysi oo Iiraan laga leeyahay ayay burcadbadeedda Soomaalidu ku afduubeen bishii Maarso ee sannadkan 2015-kii meel ku dhow xeebaha Ceel-huur oo ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, inkastoo mid ka mid ah ay baxsatay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay.

Ugu dabmeyn, Doonnida kale ee Iiraan laga leeyahay oo lagu magacaabo SIRAJ ayaa weli gacanta ugu jirta burcadbadeedda Somalia, iyadoo lala haysto 15-qof oo shaqaalaheedii ah, inkastoo afar ka mid ah ay ciidamada maamulka Galmudug xoog uga soo furteen burcad-badeeddii gacanta ku hayay bishan lagu jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya