4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
Gudigii loo loo saaray xallinta colaada Gaalkacyo oo kulamo la leh waxgarad Labada Maamul


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Guddigii heerka wasiir ahaa ee uu Ra’iisul wasaaraha Somalia u magacaabay xallinta colaadda degmada Gaalkacyo ayaa la kulmay wax-garadka labada dhinac, si ay ugu boorriyaan in xiisadda dagaal ee ka jirta degmadaas loo xalliyo.

Xubnaha guddigan oo ka kooban; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdraxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], waisir u dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo weliba taliyaha millateriga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa ku sugan degmada Gaalkacyo.

Qodobada guddigan iyo waxgaraka labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka mid ah; sidii ciidanka isku hor-fadhiya gudaha degmada Gaalkacyo loo kala qaadi lahaa, loogana wada-shaqeyn lahaa nabadgalyada magaalada.

Sidoo kale, Ujeeddada wafdigaan ay u joogaan ayaa waxaa lagu sheegay; sidii ay u xoojin lahaayeen dadaallada Xukuumadda Somalia ay ku doonayso in xal deg-deg ah looga gaaro colaadda Gaalkacyo oo muddo isbuuc ka badan halkaas ka taagan.

Dhanka kale, wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladdu ay aad u daggan tahay maanta oo aanay jirin wax rasaas ah oo la maqlayo, inkatsoo ay weli is-hofadhiyaan ciidamadii labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyay.

Colaadda degmada Gaalkacyo ka socota ayaa waxaa la sheegayaa inay salfatay ugu yaraan 15-qof oo isugu jira ciidamada dagaallamaya iyo dad shacab ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50-qof oo kale.

Ugu dambeyn, shacabkii ku noolaa degmada Gaalkacyo ayaa intooda badan ka barakacay guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba inay colaaddu sii xoogeysato, iyadoo aan la ogeyn in dadaallada socda xal looga gaari karo colaaddan iyo in kale.

Wixii kusoo kordha kulammada u socda waxgaradka Puntland iyo Galmudug iyo Guddiga RW Somalia uu u magacaabay Xillinta colaadda Gaalkacyo Waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya