4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
SAWIRRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto oo xaflad u sameeyay wasiirka gaadiidka Somalia


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa xalay xaflad ugu qabtay magaalada Toronto wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac [Jangeli] waxaana xafladdaas goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan.

Xubnihii xaflada ku sugnaa waxaa ka mid ahaa; wasiirkii hore ee gaadiidka, Siciid Jaamac Qorshee, xildhibaan Axmed Xuseen oo ka tirsan baarlamaanka dalka Canada iyo xubno ay ku jiraan odayaal si weyn looga yaqaano Canada.

Siciid Jaamac Qorsheel ayaa oo ka hadlay kulanka ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisii intii uu wasiirka ahaa, isagoo u mahadceliyay wasiirka cusub ee shaqada kala wareegay, Axmed Cali Jaamac Jangeli.

Waxaana isagana xafladdad khudbad muhiim ah ka jeediyay xildhibaan Axmed Xuseen oo Somalida dhawaanna ku biiray baarlamaanka Canada, ayaa kaga hadlay khudbaddiisa dhowr qodob oo muhiim ah, taasoo ay soo dhaweeyeen dadkii xafladda goobjoogga ka ahaa.

Qodobbada xildhibaan Axmed Xuseen uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa; (1). In xukuumadda uu xildhibaanka ka yahay ay billaabi doonto mashruucii ay xukuumaddii hore diidday oo ahaa in dadka ay waalidkood iyo qaraabadooda ay keensan karaan dalka Canada, taasoo loo fududeyn doono. (2). Waxaa wadnaa qorshe aan ugu abuurayno 40,000 oo dhalinyaro ah, iyagoo si gaar ah u eegaya dadka Soomaalida ah.

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Xuseen oo ka tirsan Xisbiga Liberal-ka ayaa sheegay in maadaama uu Sooomaali yahay uu xoogga saari doono sidii uu u xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Canada.

Dhanka kale, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Somalia, Cali Jangeli ayaa markii hore ka hadlay socdaalkiisii magaalada Montreal ee dalka Canada oo uu kaga qaybgalay shirweynihii caalamiga ahaa ee Duulista Hawada. Isagoo  xusay in shaqada uu hayo ka socokow uu yahay nin Canadian ah.

Jangeli ayaa waxaa waxyaabihii uu sheegay waxaa ka mid ahaa in wararka sida aadka ah la iskula dhexmarayo ee ah in qayb ka mid ah dalkeenna ay doonayso Kenya inay goosato, isagoo wararkaas ku tilmaamay kuwo aan jirin oo been ah. isagoo sheega inay tahay in si wanaagsan la isaga hubiyo waxa la sheegayo.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Somalia ayaa hadalkiisa kusoo qaaday dagaalka Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay in wax laga xumaado uu yahay, isagoo dadkii xafladda joogay ka dalbaday inay faataxada u akhriyaan dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay.

Ugu dambeyn, Naasir Cabdi Baalle oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Toronto ayaa ka hadlay dagaalka Gaalkacyo ka socda, isagoo sheegay inay tahay arrin aad looga naxo, isla markaana uu si gaar ah u taabanayo dagaalkaas, sababtoo ah buu yiri in labada cidood oo dagaallamaya uu kasoo jeedo, ciddii uu dhib gaarana ay tahay isagoo dhib la gaarsiiyay, wuxuuna ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya