4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2015
WASIIR DIFAACA: Ciidamada Xoogga wax lug ah kuma yeelan karaan hawl ka baxsan waajibkooda


Axad, November 29, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka ayna wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda. Isagoo dhinaca kale tilmaamay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka X.D.S ay dagaalka ku lug lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan,” ayuu yiri Wasiir Diini.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan kaloo rabaa in aan halkaan ka sheegno in ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya