4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Madaxweynaha Galmudug oo dib u soo laabadka RW Soomaaliya ku tilmaamay wax laga xumaado

/images/2015/july/Madaxweynaha_Galmudug_Guuleed_HOL.jpg
Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dib ugu noqoshada Muqdisho ee RW Somalia.

Madaxweyne Guulleed ayaa xusay in isaga iyo ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid maalintii shalay ka wadda-hadleen dagaalka magaalada Gaalkacyo iyo siddii loo soo afjari lahaa, waxaana uu qorshuhu ahaa sidda uu hadalka u dhigay inuu RW-hu booqdo magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,

''Runtii dib ugu noqoshada magaalada Muqdisho ee ra'iisal wasaare Sharm'arke isaga oo aan xal u helin xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo aad baan uga xunnahay, waxaana leeyahay wax uunbaa jira oo ku kalifay ra'iisal wasaaraha in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho,'' ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

C/kariin Guulleed ayaa dhinaca kala sheegay in marka leys bar-bar-dhigo dagaalka maanta ka dhacay Gaalkacyo iyo dib ugu noqoshada magaalada Muqdisho ee ra'iisal wasaaraha yihiin arimo shaki abuuri kara.

''Gulufka colaadeed oo ay maanta soo qaadeen ciidammada Puntland iyo dib u noqoshada ra'iisal wasaare waa arimo runtii shaki abuuri kara, waxaa muuqata in aan raali laga aheyn in colaadda degmada Gaalkacyo la dhameeyo, waxaana arrimahaan oo dhan ka danbeeya madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo qeyb ka ah colaada taagan,'' ayuu mar kale yiri C/kariin Xusseen Guulleed.

Dhinaca kale, wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhulleed] oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/wali Gaas in uu iska hortaagay ra'iisal wasaare Sharm'arke in uu tago magaalada Gaalkacyo.

“C/wali Gaas ayaa iska hortaagay ra'iisal wasaare Sharma'arke inuu yimaado Gaalkacyo idhihiisana ku arko waxa jira, waxaana muuqata in colaada Gaalkacyo ka jirta raali ka aheyn madaxweynaha Puntland in la dhameeyo'' ayuu yiri wasiirka.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa aad u kacsan waxaan muuqata in dagaalka halkaa ka soconaya yahay mid siyaasadeysan oo ay ku lug leeyihiin mas'uuliyiin ka kala tirsan dhinacyada iska soo horjeeda ee Puntland iyo Galmudug, waxaana saameynta ugu weyn ee arintan ay ku dhaceysaa dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya