4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2015
Munaasabad lagu soo dhaweeyay duqa Muqdisho oo lagu Qabtay Minneapolis, Minnesota (Sawiro)


Sabti, November 28, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir - Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, iyadoo ay kasoo qayb-galeen dadwayne fara badan, iyadoo Duqa Muqdisho uu dadkii sugnaa xafladda ka lahadlay hadlay khadka taleefanka.

Waxaa ugu horreyn taariikhda guddoomiyaha cusub ka sheekeeyaay Cali Jarras oo ka mid ah odayaasha magaalada Rochaster ee gobolka Minnesota, isagoo faahfaahin ka bixiyaya waxbarashadiisii iyo waxyaabihii kale ee uu ka yaqaanno.

Ugaas Ismaaciil Cabdulle oo ka mid ahaa dadkii soo qaban-qaabiyay kulanka oo la hadlay HOL ayaa sheegay inay kusoo dhaweynayaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kuna sagootinayaan guddoomiyahii hore oo uu si gaar ah uga mahadceliyay waxqabdkiisii.

Sidoo kale, Cabdixaafid Ibarahim oo ka mid ah ganacsatada gobolka Minnesota horayna u ahaa siyaasi ayaa u hanbalyeeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen xilka loo magacaabay, isagoo xusay inay muhiim tahay inuu xoogga saaro sugidda nabadgalyada Muqdisho, taasoo uu yiri waa furihii guusha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale oo dadkii kulanka joogay kula hadlay khadka taleefoonka ayaa ku boorriyay inay dalka aqoontooda kula soo laabtaan, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan isu keenida dadka Soomaaliyeed; kana war-qabaan dalkooda iyo dadkooda ayna muujiyaan isku duubnaan.

Dhanka kale, waxuu dadkii xaflada ku sugnaa ku boorriyay inay waddankooda dib ugu soo noqdaan, qaybna ka qaataan horumarka ka socda caasimadda isagoo xusay inay ku dadaali doonaan inay tiigsadaan horomar la taaban karo oo Muqdisho ay gaarsiiyaan.

Ugu dambeyn, waxaa heeso waddani ah oo aad loo jeclaystay kusoo ban-dhigay xafladda fanaaniin ay ugu horreyso fannaanada caanka ah ee Caasho Cabdow Sulaymaan [Malayka] iyo fannaanka Baajiyo.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota